Al-Burhan oo QM u Ogolaaday Adeegsiga Ilaa 3 Garoon Diyaaradeed.

Nov 27, 2024

Sida uu daabacay wargeyska Al-Sharqul Awsat madaxa militariga Sudan ayaa hay’adaha gargaarka ee Qaramada Midoobay u fasaxay isticmaalka sadaxda garoon ee kala ah, Kaaduuqali oo ku yaala koonfurta gobolka Kardifaan, kan ku yaala magaalada Abyadh ee dhacda waqooyiga isla gobolka Kardifaan iyo garoon diyaaradeedka Damaziini oo isaga ku yaala gobolka Niilka Buluuga.

In muddo ahba waxaa caqabado dhanka isku socdka ah wajahayey hay’adaha kala duwan ee ka socda dhanka QM, lama shaacin inta ay gaarsiisantahay kalsoonida lagu qabi karo adeegsiga dekedahan, maadaama RSF ay mudooyinkan dambe wado dhaqdhaqaaqyo xoogan.

Dagaalkii ka dhax qarxay ciidamada Suudaan iyo xoogaga Taageerada degdega ah bartamihii bishii April ee sanadkii hore, waxa uu sababay barakaca malaayiin ruux, kuwaas oo xitaa hada qaarkood wajahaya.

FAAFREEB PRO