Kulan shaley magaalada Muqdisho ku dhexmaray mucaaradka ridada iyo madaxa kooxda ridada Soomaaliya ayaanan wax natiijo ah uusan kasoo bixin, iyadoona lagu kala dhaqaaqay kulankaasi.
Labada dhinac ayaa wali isku haya Dastuurka ridada oo uu dhawaan qodobo kamid ah ay Baarlamaanka ridada ay badaleen kadib markii uu Xasan Gurguurte u gudbiyey.
Wararka ayaa sheegaya inuu Gurguurte diidan yahay inuu ka tanaazullo wax ka badalkii uu dhawaan ku sameeyey Dastuurka ridada, kaasoo ay mucaaradka iyagana mowqif adag ka istaageen.
Kulankii shalay ayaa lagu kala dareeray, iyadoona labada dhinac wax heshiis ah aysan gaarin, balse maalinta Arbacada ee soo socota ayaa labada dhinac markale kulan yeelan doonaan.
Bilihii lasoo dhaaday mucaaradka iyo Xasan Gurguurte ay yeelanayeen kulamo ayaa waxay kusoo dhammaadeen fashil, iyadoo wali uu taagan khilaafka labada dhinac.
Dhinaca kale waxaa sii xoogeysanaya Mooshinka laga gudbiyey murtad Xamse Cabdi Barre oo ah R/Wasaaraha kooxda ridada Soomaaliya, kaasoo oo ay wadaan xildhibaano ka tirsan ridada.
Mooshinkaan ayaa la tilmaamay inay saxiixeen in ka badan 120 xildhibaan oo ay ku jiraan xubno aad ugu dhow Xasan Gurguurte madaxa kooxda ridada Soomaaliya, iyadoona aanan la ogeyn in Mooshinkaasi uu fuli doono iyo in kale xilli xaafiiska Xamse Cabdi Barre ay wadaan dadaallo ay arrintaasi ku fashilinayaan.
FAAFREEB PRO