Mujaahidiinta Jamaacada Nusratul Islaam Wal-muslimiin oo halgan adag oo Jihaadi ah kaga jira galbeedka Afrika, ayaa si tartiib-tartiib ah ugu sii siqaaya caasimadda Maali ee Bamako, oo haatan ay u jiraan wax ka yar 50 KM oo kaliya, sida warbaahinta caalamku ay tebinayso.
Mujaahidiintu waxay xayiraad dhinaca shidaalka ah labada bilood sii maraysa kusoo rogeen xukuumadda daba-dhilifka ah ee Bamako oo haatan dareemaysa culaysyo aad u badan. Iyadoo la filayo in Nusratul Islaam Wal-muslimiin ay dhawaan la wareegaan talada dalkaasi.
“Waxay cabsi gelinaysaa madaxda Bamako, waxayna abuureysaa aragti ah in caasimaddu go’doonsan tahay, Nusratul Islaam Wal-muslimiinna ay soo dhowaanayso.” ayay tiri Justyna Gudzowska, agaasimaha fulinta ee hay’adda baaritaanka ee The Sentry.
Ujeeddada ugu weyn ee mujaahidiinta ayaa lagu sifeeyey inay tahay inay xoog kula wareegaan Maali, sida ay Reuters u sheegeen lix falanqeeye amni iyo diblomaasiyiin. Tallaabadan ayaa lagu micneeyey mid wiiqaysaa awoodda maamulka madaxweyne Assimi Goita, mujaahidiintana u ogolaanaysa xoojinta awooddooda ciidan iyo dhaqaale.
Bayaan ay jamaacada bil ka hor soo saareen ayay ku sheegeen in bartilmaameedkoodu yahay maamulka daba-dhilifka ah ee Bamako oo ay ku eedeeyeen in ay dhibaateeyaan shacabka muslimiinta ah ee reer Mali, gaar ahaan meelaha ka baxsan caasimadda.
Dagaalka Jihaadiga ah ee ka socda Mali ayay Reuters sheegtay inuu saamayn taban ku leeyahay maamullada daba-dhilifyada ah ee ka jira dalalka deriska la ah Mali, sida Burkino Faso iyo Niger, kuwaas oo dhammaantood ay xukunka la wareegeen ciidamo millateri ah isla markaana ay samaysteen isbahaysi siyaasadeed iyo mid amni.
“Haddii maamulka Mali uu burburo, wax walba way burburayaan, sidoo kale isbahaysiga dalalka Saaxilkuna waa uu burburayaa.” ayuu yiri diblomaasi sare oo ku sugan Bamako oo u warramay wakaaladda wararka ee Reuters.
Warar hoose oo soo baxaya ayaa sheegaya in hoggaanka maamulka daba-dhilifka ah ee millateriga Mali uu ka dhex-qarxay khilaaf xooggan, kaas oo ah caqabado hor leh oo qayb ka noqon karta mijo-xaabinta xukuumadda Assimi Goita.
Reuters waxay sheegtay in dowladda daba-dhilifka ah ee Mali ay bishii Agoosto xabsiga u taxaabtay laba jeneraal oo milatari iyo tobannaan askari oo kale, iyadoo ku eedeysay inay ka qayb-qaateen shirqool lagu doonayay in lagu wiiqo maamulkeeda.
“Ma aaminsani in nidaamku uu awood u leeyahay inuu xukunka sii haysto. Waxaa jira xoogag badan, oo cadaadis saaraya ha noqoto dhinaca siyaasadda ama kooxaha hubeysan.” ayuu yiri falanqeeye amni oo aan loo oggolayn inuu la hadlo warbaahinta, sida ay Reuters sheegtay.
Wakaaladda Wararka ee Reuters waxay sheegtay in Jamaacada Nusratul Islaam Wal-muslimiin ay haweenka ku amartay inay xirtaan xijaabka. Gaar ahaan deggaannada iyo magaallooyinka ay la wareegeen gacan-ku-heyntooda.
“Ma diidi karno suurtagalnimada in Jamaacada Nusratul Islaam Wal-muslimiin ay isku daydo inay magaalada soo gasho.” ayuu yiri diblomaasi sare oo ku sugan Bamako oo u warramay wakaaladda wararka ee Reuters.
Geesta kale waxaa sii kordhaya ayay tiri Reuters, digniinno isdaba joog ah oo ka soo baxaya safaaradaha shisheeye oo ay ku jiraan Mareykanka, Ingiriiska iyo Talyaaniga, kuwaasoo muwaadiniintooda ugu baaqay inay ka baxaan dalka Mali.