Akhriso: Maqaal Murugo Balaarran Dhaliyey oo uu Baahiyey mid Kamid ah Qoraayaasha Marinka Qaza.

Sep 4, 2025

Wargeyska Haaretz ayaa daabacay qoraal argagax iyo cabsi ay buux dhaafisay oo uu soo diray qoraaga reer Qaza ee Yusri al-Ghoul, kaas oo waqti xaadirkaan ku sugan gudaha marinka iyadoo dhimasho iyo burbur ay ku hareereysanyihiin saacad walba.

Waxa uu sheegay inuusan maanta haysan meel uu u qaxo sidaas darteedna uu go’aansaday inuu sii joogo magaalada, ilaa uu naftiisa sidoo kalana qoysiiska uu ku baaba’ayo.

Waxa uu sidoo kale Al-Ghoul tibaaxay inuusan garan karin sida uu u dhiman doono, haddii ay noqoto gantaal laga soo tuuro diyaaradaha dagaalka, rasaas aan loo meel dayin ama qarax laga soo tuuro diyaarad aan duuliye lahayn oo dul heehaabaysa cirka.

Qoraaga ayaa sawiray xaalad cabsi leh ee mustaqabalka caruurta Qaza oo ay ugu horeeyaan kuwiisa, isagoona sheegay in rajada caruurta Qaza ee musqabalka ay tahay mid sii mugdiyoobeyso marka marka ka dambeysa waxa uuna yiri “Waxaan arkaan caruurta kale iyagoo noqonaya dhakhaatiir iyo injineerro, balse askarta yuhuuda waxay aaminsan yihiin in carruurta Falastiin aysan mudnayn berri iyo iney helaan mustaqbal qurux badan,”

Yusri Al-Ghoul waxa uu maqaalkiisa ku soo afmeeray in dhimashada shacabka reer Qaza ay sii ahaan doonto mid aamusan hadii xaalada aanan waxba laga badalin, dunidana ay usii daawan doonto sida riwaayad oo kale iyagoo aanan xitaa dhankooda usoo qaadeyn wax talaabo gurmad ah.

Maqaalkan ayaa si weyn u muujinayart xaalada liidata ee ay ku suganyihiin ehelkeena Qaza, iyadoo dadka ku nool marinka ay ku noolyihiin daqiiqad walba sida uu kasoo warbixinyey Yusri Al-Ghoul iyo si ka daran, iyadoo xukuumadaha dhawaaqiida carbeed ee ku hareereysana ay diideen in xitaa albaabada u furaan.

FAAFREEB PRO