Wilaayadda Islaamiga ah ee Shabeellaha Dhexe waxaa dhawaan soo gaaray askar taa’ibiin oo kasoo baxay safka murtadiinta, ka dib markii ay garwaaq sadeen gaalnimada cad ee ay ku dhaqanto xukuumadda fadhigeedu yahay magaallada Muqdisho.
Askartan lasoo bandhigay oo tiro ahaan gaareysa illaa 13, ayaa waxaa ay isugu jiraan kuwa tababar kusoo qaatey gudaha dalka iyo qaar kale oo lagu soo dhaqan xumeeyay dalka dibaddiisa.
Haddaba halkan hoose waxaad ka heli karaysaa magacyada iyo xogta taa’ibiintan oo u warramay warbaahinta Islaamiga ah.
1- Maxamed Ismaaciil Muuse waxaa uu ka mid ahaa ilaallada gaar ah ah ee xarunta waxa ay murtadiintu ugu yeeraan wazaaradda Bee’ada.
2- Baasir Cabdulaahi waxaa uu ka tirsanaa askarta ridada, isagoo ka soo howlgalay magaallada Kismaayo, waxaa uuna ka mid ahaa maleeshiyaadka lagu soo tababaray dalka Eritrea.
3- Daahir Maxamed Nuur isaguna waxa uu ka mid ahaa maleeshiyada lagu soo tababaray Eritrea.
4- Maxamed Kuullow Nuur Cadaw waxaa uu tabatabar kusoo qaatey xerrada Turkisom ee Muqdisho.
5- Mahad Bile Maxamuud waxaa uu ka mid ahaa maleeshiyaadka ridada ee lagu soo tababaray dalka Eritrea.
6- Maxamed Daahir Xasan waxaa uu ka mid ahaa maleeshiyaadka lagu tababaray Eretrea.
7- Xasan Salaad Cumar Dhicisow waxaa uu ka mid ahaa maleeshiyaadka lagu soo tababaray dalka Itoobiya.
8- Liibaan Xuseen Maxamuud waxaa lagu soo tababaray xerrada Geed Timir ee duleedka Muqdisho.
9- Maxamed Xasan Muxamed waxaa uu ka mid ah maleeshiyaadka ridada ee lagu soo tababaray dalka Itoobiya, waxaa uuna kasoo howlgalay degmada Maxaas ee bariga Hiiraan.
10- Maxamed Muuse Saney waxaa uu ka mid ahaa maleeshiyaadka ridada ee lagu soo tababaray dalka Eritrea.
11- Yuusuf Taakow Nuur waxaa uu ka mid ahaa maleeshiyaadka murtadiinta ah ee lagu soo tababaray dalka Itoobiyay, waxa uuna kasoo howlgalay qeybo ka mid ah gobollada Hiiraan iyo Galgaduud.
12- Cumar Yaasiin Cumar waxaa uu tababar kusoo qaatey dalka Itoobiya, waxaa uuna ka mid ahaa murtadiintii kusoo duushay degmada Tawfiiq ee Masjid Cali Gaduud ee wilaayadda Islaamiga ah ee Shabeellaha Dhexe.
13- Xasan Saney Cali waxaa uu ka mid ahaa murtadiintii lagu soo tababaray dalka Ugandha, waxaa uuna qeyb ka ahaa maleeshiyadii kusoo duushay deegaanka Bacaadweyn ee gobolka Mudug.
Waa qeyb ka mid ah askarta taa’ibiinta ah oo mudooyinkan danbe si xawli ah usoo gaarayay wilaayaadka Islaamiga ah, iyago ka faa’ideysanaya baaqyo ay horey u jeediyeen hogaanka Xarakada Shabaabul Mujaahidiin iyo goloha Nuqaba ee Wilaayaadka dalka, kaasi oo ahaa in murtadiintu ay weli haystaan fursadda ah in ay u hoggaan samaan sharcigga Allaah, kana soo baxaan dulliga iyo dabadhilifnimada ay ku jiraan.
FAAFREEB PRO