Wararka ka imaanaya dalka Maraykanka ayaa sheegaya in shil diyaaradeed oo sababay khasaare dhimasho iyo dhaawac ah uu ka dhacay gobolka Maine ee dalkaas.
Sida ay xaqiijisay Ha’adda Duulista Hawada Maraykanka (FAA), shilka ayaa dhacay xilli ay diyaaradda isku diyaarinaysay inay ka duusho garoonka diyaaradaha Bangor International Airport ee gobolka Maine.
Shilka ayaa dhacay galabnimada maalinta Axada, iyadoo wararka hordhaca ah ay tilmaamayaan in 7 qof ay ku dhinteen shilka, halka Hal qof oo kale uu soo gaarey dhaawac halis ah.
Diyaarada shilka gashay ayaa nooceedu ahaa Bombardier Challenger 600, taasoo ah diyaarad ganacsi oo gaar loo leeyahay, islamarkaana inta badan ay adeegsadaan ganacsatada iyo shirkadaha.
Dhacdadan ayaa kusoo beegmaysa xilli cimilada dalka Maraykanka ay sababtey koronto la’aan baahsan iyo hakad ballaaran oo ku yimid duulimaadyada, gaar ahaan garoomada diyaarada ee magaalooyinka Washington iyo New York.
Dhanka kale, mareegta FlighatAware oo si gaar ah ula socota dhaqdhaqaaqyada duulimaadyada, ayaa sheegtay in ku dhowaad 13,000 oo duulimaad la hakiyay sababo la xiriira halista cimilada oo sii kordhaysa, iyadoo xaalladu weli tahay mid kacsan.
FAAFREEB PRO