Akhriso: Dagaallo Lagu Jabiyay Murtadiinta oo ka Dhacay Duleedka Warsheekh.

Jan 26, 2026

Dagaallo u dhaxeeyey ciidamada Mujaahidiinta iyo maleeshiyaatka ridada ayaa maanta waxay ka dhaceen duleedka degmada Warsheekh ee Shabeellada Dhexe.

Dagaalladan oo lagu jabiyey murtadiinta ayaa waxaa lagu dilay 5 askari oo ka tirsan maleeshiyaatka ridada, halka lagu dhaawacay 3 kale.

Waa qeyb ka mid ah dagaallada ka dhacaya koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya, kuwaas oo lagu dhiig bixinayo saliibiyiinta iyo dabadhilifyadooda Murtadiin ah.

Dagaalladan maanta ka dhacay duleedka Warsheekh ayaa imaanaya iyadoo ciidamada Mujaahidiinta bilowga todobaadkii lasoo dhaafay ay weerar cagmarin ah ku qaadeen illaa 4 Xero oo maleeshiyaadka Ridada ay ku lahaayeen duleedka Warsheekh, iyadoo lagu diyal in ka badan 20 askari oo Mirtadiin ah, laguna dhaawacay 11 kale, sidoo kalena lagu soo furtey hub iyo gaadiid dagaal oo uu cadowgu ka cararay.

Arbacadii lasoo dhaafey ayay sidoo kale ahayd markii rag ka tirsan Mujaahidiinta ay weerar ballaaran ku qaadeen saldhigyada Murtadiinta Jubbaland ay ku lahaayeen Jaziirada Kudhaa ee wilaayda Islaamiga ah eee Jubbada hoose.

Allaah fadligii weerarkaas waxaa dhegta dhiiga loogu diray maleeshiyaad Ridada, iyadoo lagu dilay in ka badan 130 askari oo ay saraakiil ku jiraan, laguna qabtey maxaabiis badan.

FAAFREEB PRO