Falanqeeye siyaasadeed oo lagu magacaabo Aadam Daa’uud Axmed kana faalooda arimaha Amniga ee geeska Afrika, ayaa qoray maqaal dheer oo ay daabacday mid kamida warbaahinada ugu afka dheer dawladda Itoobiya, kaas oo ciwaan looga dhigay “Saddex sano oo Dagaal Ballaaran ah kadib, Sidee buu u burburay Duullaankii ay Kooxda Ridada ku qaaday Xarakada Al-Shabaab?”
Maqaalkan oo lagu daabacay Wargeyska Addis Standard, ayaa qoraagu wuxuu qaybaha hore ee qormadiisa kusoo sardiyay, dulmar kooban oo ku saabsan bilowga dagaalkii ay xukumada ridada kusoo qaaday wilaayaadka Islaamiga ah Saddex sano ka hor, wuxuuna sheegay in Bishii Agustu ee sanadkii 2022-kii uu Madaxweynaha ridada murtad Xasan Sheekh Maxamuud uu ku dhawaaqay, in nidaamkiisa ay bilaabi doonto “dagaal dhan walba ah” oo lagu qaado Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab.
Hadalka uu ku dhawaaqay Xasan Gurguurte ayuu qoraagu sheegay inuu yimid, kaddib weerar dhimasho badan sababay oo ka dhacay hotel ku yaalla magaalada Muqdisho, halkaas oo lagu dilay 21 xubnood oo u shaqeynayay Kooxda Ridada , halka in ka badan 100 kalena ay ku dhaawacmeen. Xassan Sheekh ayaana xiligaas jeediyay baaq uu u diray ciidamadiisa, iskuna diyaariyay dagaal weyn oo ka dhan ah mujaahidiinta.
Aadam Daa’uud ayaa intaas kaddib qiimayn ku sameeyay, Saddex sano kaddib markii lagu dhawaaqay dagaalkaasi , wuxuuna tibaaxay in Kooxda Ridada ay wajahayso xaqiiqo murugo leh oo muujinaysa, in istaraatijiyaddii la rabay in ciidamadeedu ay dib ugu qabsadaan dhulka ay maamusho Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ay noqotay mid burburtay, duullaankaas ayaa noqday mid iftiimiyay tabar-darrada hogaamineed ee ka jirta Muqdisho iyo nuglaanta ba’an ee hay’adaha amniga Dowladda Fedaraalka ayuu yiri qoraalka maqaalka uu baahiyay Wargeyska Addis Standard, loogana hadlayay saddex sano kadib sida ay Kooxda Ridada ugu fashilantay dagaalka ka dhanka ah ku dhaqan shareecada islaamka .
Qoraagu wuxuu tilmaamay, in baaqii murtad Xassan Gurguurte ee ahaa “dagaal buuxa” uu ka dhignaa hadal dhiirrigelin u eg marka loo fiiriyo dowladaha Afrikaanka ah ee duullaanka ku jooga dalka, gaar ahaan xilliyada laga hadlayo la-dagaalanka waxa loogu yeerro argagixisada, hase ahaatee ka duwan marka laisku farasaaro fagaaraha dagaalka.
Xilligii uu khudbadda jeedinayay Guurgurte , wuxuu qoraagu carrabka ku adkeeyay, in ay dagaallo culus ka socdeen inta u dhexeysa Matabaan iyo Maxaas, istaaraariijiyada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ay dib uga guratay deegaannada hoos-yimaada magaaalooyinkaas iyo kuwa kale ee gobalka ayuuna maqaalki xusay, iney ka dhigneyd dabin loo qoolay maleeshityaatka murtadiinta , taas oo guul u arkeysay iney la wareegto deegaanno badan oo katirsan gobalka Hiiraan, markii ay tagtay goobahaasna ay ku adkaatay iney xajisato gacan ku heyntooda, Mujaahidiinta Al-Shabaabna ay si dhib yar dib ugu qabsadaan goobahaas, iyagoo waliba dhiig-bax daran ugeysanaya askarta cadowga.
Markaan waxa uu maqaalku soo gudbinayaa khasaaraha nafeed ee cadowga kasoo gaaray dagaaladaan Saddex sano jirsaday ee ay kula Jirto Mujaahidiinta, wuxuu sheegay, in ol’olaha dagaal ee xukuumadda Muqdisho uu sababay khasaare aad u baaxad leh oo naf iyo maalba isugu jira, kaas oo qiyaasaad ay soo dusiyeen illo amni ay sheegeen, in ridada ay dagaalladaasi ku waysay ku dhawaad 3,700 oo askari oo ciidamadeeda ah, iyo 2,054 xubnood oo ka tirsanaa maleeshiyaadka iyada taabacsan, halka dhaawacyadu ay kor u dhaafeen 9,600 oo askari.
Dhanka saanada ciidan ee ay ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab la wareegeen ayuu qoraagu ku sheegay, in kabadan 171 gaari oo ah kuwa gaashaaman, iyo burburinta ku dhawaad 100 kale. Cutubyo ciidan oo dhammaystiran ayaa sidoo kale gabi ahaanba meesha ka baxay, kuwaas oo ay ku jiraan 20 Kun oo askari oo iskugu jiray 10 Kun oo ka mid ahaa kuwa lagusoo tababaray dalka Eretrea, halka sidoo kale ay kamid ahaayeen ciidamada ku burburay dagaaladan 10 Kun oo ayagana ay tababartay Dowladda ridada Imaaraadka Carabta.
“Khasaaruhu wuxuu gaaray heer aad usarreeya, iyada oo la xaqiijiyay in dagaalladii ka dhacay deegaannada u dhexeeya Cowsweyne illaa Galcad lagu dilay 132 sarkaal, oo ay ku jiraan afar jeneraal iyo 13 kornayl.
Marka laga hadlayo khasaaraha hantiyeedna, kuma koobno oo kaliya gaadiidka dagaalka ee la gubay ama ugacan galay Al-Shabaab, balse sidoo kale 17 diyaaradood oo nooca Droneska ah ee uu Maraykanku adeegsado ayaa la waayay ama burburay.
Waxaa ciidanka ku dhex baahay firxadka iyo iney isaga baxaan safka Dowladda Fedaraalka, iyadoo in ka badan 4,300 oo askari oo katirsan Dowladda Fedaraalka, iyo 620 kale oo kuweeda gaarka ah ay iskaga carareen xeryihii ay ku sugnaayeen” ayuu yiri qoraaga maqaalkaan uu baahiyay Wargeyska Addis Standard ee kasoo baxa dalka Itoobiya.
Wuxuu sidoo kale qoraagu maqaalkiisa ku xusay, in hoggaanka amniga ee Kooxda Ridada marar badan si isdaba-joog ah loo beddelay, taas oo ka keentay in la waayo xasilloonida duullaanka iyo sii socoshadiisa.
Saddex sano gudahood, waxaa marar badan la badalay wasiiro difaac, taliyayaal ciidan iyo madaxda sirdoonka, iyada oo wasiir kasta oo soo mara wasaarada difaaca uu celcelis ahaan xilka haynayay afar bilood oo kaliya, halka taliyayaasha ciidamada Saddex jeer gebi ahaanba la beddelay.
Wareeggan xad-dhaafka ah ee ku saleysan xisaab bedelka ayaana horseeday, in xukumada ay marti galiso jab aan soo kabasho laheyn oo ay kala kulantay dagaalada ay kula jirto mujaahidiinta.
Wuxuu sidoo kale tibaaxay in Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ay u shaqeyneyso sida nidaamka dowliga ah oo kale, iyadoo gacanta ku heysa tobannaan maxaakiim Islaami ah, ayna goballada Baay iyo Bakool ka hirgaliyeen 86 macaahid iyo iskuullo isugu jira, wuxuuna intaas ku daray, in awooda Mujaahidiinta Al-Shabaab aysan kaliya ku koobnayn cudud milatari, balse sidoo kale ay xoogga saarayaan wax ka qabashada arrimaha bulshada, taas oo u suuragalinaysa iney dhib yar ukasbadaan quluubta bulshada, iyagoo ka haqab tirayada baahiyaha ay qabaan oo ay ugu horreyso cadaalada iyo adeegyada kale ee bulshada.
Qoraagu wuxuu qaybaha dambe ee maqaalkiisa ku cadeeyay, in murtad Xassan Sheekh oo kusoo jabay dagaalka Saddex sano jirsaday ee uu kula jiro Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab uu maanta ku faanayo qorshaha doorasho “Qof iyo Cod ah” isaga oo u arka inay tahay astaan horumarineed, balse dhab ahaantii ay tahay xeelad lagu doonayo in lagu maamulo doorashooyin marin habaabin ah oo ka dhaca Muqdisho, fikradda ah in Soomaaliya ay doorashooyin dimuqraadi ah ka dhacaan ayaana u muuqata mid dhalanteed ah ah, oo kaliya loogu talagalay in lagu qanciyo Dowladaha saliibiyiinta ee qarashka ku bixiya duullaanka ay ka wadaan Soomaaliya.
Waxaa maqaalka uu daabay Wargeyska Addis Standard ee fadhigiisu yahay magaalada Adis Aababa ee caasimadda Itoobiya lagu soo gabagaabeeyay, qiimeyn sirdoon oo tibaaxeysa in Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ay kulaaleyso Muqdisho, islamarkaana ay jirto suutagalnimada iney dhacaan weeraro cagta lagu mariyo saldhigyada ciidamada saliibiyiinta iyo kuwaridada, sidoo kalana ay isa soo tareyso awoodda sirdoon iyo tan millatari ee Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab, kuwaas oo qarka usaaran iney la wareegaan gacan ku heynta magaalada caasimadda ah ee Muqdisho.
DHAGEYSO WARBIXINTA IYADOO COD AH