Gobolka Geeska Afrika ayaa mar kale wajahaya xiisad siyaasadeed oo cusub, kaddib markii Madaxweynaha Eritrea Isaias Afwerki uu si kulul ugu digay dowladda Xabashida Itoobiya, isagoo damaceeda ah in ay gaarto badda Cas ku tilmaamay in uu yahay mid halis ah oo lagu deg-degay.
Hadalladan waxay imaanayaan xilli labada dal ay kasoo gudbeen colaad sannado badan socotay, balse murankan cusub uu markale abuuri karo khatar amni iyo mid siyaasadeed oo baaxad leh.
Tan iyo markii Eritrea ay ka go’day Itoobiya sannadkii 1993, xiriirkooda wuxuu ahaa mid marna kulul marna qabow, iyadoo dagaalkii u dhexeeyay 1998 ilaa 2000 uu sababay dhimashada tobanaan kun oo qof, halka heshiisyadii dambe aysan si buuxda u hagaajin kalsoonidii la filayay.
Afwerki oo ah madaxweynaha Eritrea ayaa sheegay in Itoobiya si khaldan u fahamtay awoodda ciidameed ee dalkiisa isaga oo yiri, “Haddii ay Itoobiya u maleyneyso in ay ku garaaci karto ciidamadeenna weerarro badan, way qaldan tahay”
Afwerki wuxuu ku baaqay in Itoobiya ay ka shaqeyso xallinta dhibaatooyinka gudaha dalkeeda, halkii ay ku mashquuli lahayd colaad dibadeed ama ay u adeegsan lahayd shacabka dagaallo aan loo baahnayn.
Waxaa la xusuustaa in Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya gaal Abiy Ahmed uu heshiis nabadeed la saxiixday Afwerki sanadkii 2018, laakiin is-fahamkaas ma sii waarin, gaar ahaan markii uu qarxay dagaalkii Tigreega 2020 illaa 2022, halkaas oo ciidamada Eritrea ay garab siinayeen kuwa Itoobiya.
In kasta oo xabbad-joojin rasmi ah lagu dhawaaqay, hadana joogitaanka ciidamada Eritrea ee gudaha Tigreega wuxuu sii huriyay isku dhacyadii hore, taas oo keentay in markale ay sare u kacaan tuhunka iyo xiisadaha.
Warar cusub ayaa kasoo baxaya suurtagalnimada in Itoobiya damacsan tahay in ay gacanta ku dhigto dekadda Assab ee ku taalla Eritrea, si ay u hesho marin badeed muhiim ah, iyadoo la ogyahay in Itoobiya aysan lahayn wax bad ah tan iyo markii Eritrea ay ka go’day.
Dhanka kale, hay’ad Amarican ah oo lagu magacaabo The Sentry ayaa bishii Juun warbixin ku sheegtay in Eritrea ay dib u dhis ku waddo ciidamadeeda una sii adeegsaneyso si ay u carqaladeyso nabadda gobolka, tan iyo markii laga qaaday cunaqabateyntii hubka sanadkii 2009.
Xukuumada Asmara ayaa si cad u beenisay eedeymahaas, waxayna sheegtay in lagu hayo olole sumcad dil ah oo aan sal iyo raad toona lahayn.
Hadallada madaxweynaha Eritrea waxay si cad u muujinayaan heerka ay gaarsiisan tahay is-fahamwaaga liita ee u dhexeeya labada dal.
Inkastoo heshiisyo hore la saxiixay, haddana muuqaalka siyaasadeed ee hadda jira wuxuu tilmaamayaa in gobolka uu wajihi karo khatar cusub oo amni, islamarkaana laga yaabo in Geeska Afrika uu mar kale galo marxalad colaadeed oo waxyeello u geysan karta dad iyo dalal badan oo gobolka ah.
FAAFREEB PRO