Xasan Gurguurte ayaa la arkayaa isagoo aad u faraxsan oo garoonka diyaaradaha kaga hor-tagay weftigaasi, isla markaana cutubyo gaar ah oo ka tirsan maleeshiyaadkiisu ay salaan siinayaan Abiy Axmed.
Qoraal kasoo baxay Villa Soomaaliya ayaa waxaa lagu sheegay in ujeedka safarka Abiy Axmed uu yahay dhammeystirka heshiiska labada dal iyo sidii bog cusub loogu furi lahaa xiriiirka diblumaasiyadeed ee ka dhexeeya Muqdisho iyo Addis Ababa.
“Safarka Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed oo booqasho rasmi ah ku yimid magaalada Muqdisho ayaa qeyb ka ah isku soo dhowaanshaha iyo bogga cusub ee u furmaya labada dal, dhanka Iskaashiga, is-qaddarinta iyo in gobolka xasilooni lagu soo dabbaalo, kadib hal sanno oo xiriirka labada dal ay caqabado hareeyeen” ayaa lagu yiri qoraalka.
Sidoo kale ra’iisul wasaaraha Itoobiya ayaa loo sii waday dhanka madaxtooyada oo la sheegay in halkaasi ay ka socdaan kulanno gaar ah oo isaga iyo murtad Xasan Gurguurte ay kaga wada-hadlayaan marin-biyoodka ay Itoobia wacadka ku martay in xoog ama xeelad mid uun ku heli doonto.
Waxaa xusid mudan in markii weftigan uu hoggaaminayo Abiy Axmed uu soo gaaray Muqdisho la maqlay Jugta qaraxyo xooggan oo ka dhashay weerar madaafiic ah oo sida la sheegayo lagu weeraray garoonka Aadan Cadde iyo weliba xerada Xalane.
Lama oga illaa hadda khasaaraha ka dhashay madaafiicdan, balse waxaa lagu soo warramayaa in kala carar uu ka dhacay gudaha iyo hareeraha garoonka dayuuradaha iyo weliba Xerada Xalane oo iyadana tiro madaafiic ah lagu duqeeyey.
Sidoo kale waxaa xusid mudan in weftigani uu kusoo beegmay iyadoo magaallada Balcad oo 30 KM dhanka waqooyi kaga beegan magaallada Muqdisho ay saaka la wareegeen ciidanka mujaahiidinta Al-Shabaab isla markaana cagta mariyeen maleeshiyaadkii Gurguurte, walow markii dambe ay kasoo bexeen.
Itoobiya ayaa sannad ka hor heshiis xaaraan ah la gashay maamulka ridada ah ee Somaliland, wixii muddadaas ka dambeeyeyna waxay si cad u sheegaysay inay hir-gelinayso heshiiskaasi, iyadoo shirar dhawaan lagu qabtay Turkigana uu Xasan Gurguurte ku saxeexay heshiisyo dhamaystiraya damaca Itoobiya.