Sida uu daabacay wargeyska Addis Stander Abey Axmed r/wasaaraha Itoobiya ayaa xilka ka xayuubiyey madaxweynihii kulmee gaarka ahaa ee Tigrey ninka lagu magacaabo Getachew Reda.
Abey Axmed ayaa sheegay in waqtigii Getachew Reda uu dhamaaday waxaana la saadaalinayaa in isbadal balaaran la doonayo in lagu sameeyo maamulka Tigrey.
Khilaafka sii xoogaysanaya ee u dhaxeeya labada kooxood ayaa sii lixaadsaday todobaadkii hore ka dib markii Getachew uu shaqada ka joojiyay saddex sarkaal oo ka tirsan taliyayaasha ciidamada.
Tallaabadaas waxaa diiday xafiiska waxa loogu yeero nabadda iyo amniga ee gobolka oo uu hoggaamiyo Tadesse.
Tani waxay kusoo beegantay xilli todobaadkii lasoo dhaafay Getachew Reda laga soo ceyriyey magaalada Maqala, waxaana la wareegay hogaamiyaha TPLF oo uu loolanka kala dhexeeyo.
FAAFREEB PRO