Guddoomiyaha golaha shacabka Soomaaliya Aadan Madoobe ayaa dalka ka baxay xilli xiisad culus ka taagantahay fadhiyadii golaha dawaaqiida Kooxda Ridada Soomaaliya.
.
Murtad Aadan Maxamed Nuur Madoobe ayaa maanta u ambabaxay Magaaladda Algiers ee Caasimadda wadanka Algeria, halkaas uu uga qeyb geli doono Shirka Guddoomiyaasha Baarlamaanadda Carabta oo maalmaha soo socda furmi doona.
Dhanka kale Kadib buuqii xooganaa ee shalay ka dhacay xarunta baarlamaanka Kooxda Ridada Soomaaliya , ayuu murtad Aadan madoobe oo ah gudoomiyaha golahaasi waxa uu soo saaray qaraar uu fadhiyada baarlamaanka ridada uga maamnuucay ilaa 20 xildhibaan.
Xildhibaanada uu saaray xanibaada ayaa ahaa dhamaantood kuwa mucaarad ku ah xukumada Xasan gurguurte.
Aadan madoobe ayaa warqad uu soo saaray waxa uu ku sheegay in aysan soo xaadiri karin fadhiyada golaha dawaaqiida ah banaankana loo saarayo.
20- kaan xildhibaan ee katirsan baarlamaanak ridada ayaa ahaa kuwii shalay horboodayay buuqii iyo fadeexadii shalay ku dhacday golaha dawaaqida ridada.
Taalbadaan ayeey dad badani rumaysan yihiin in uu Aadan madoobe kaga goleeyahay in uu ku fogeeyo xildhibaanada mucaaradka ah kuwaas oo waday mooshin isaga kadhan ah.Z
Inta badan todobaadkaan waxaa baaqday fadhiyada golaha daawaaqiida ridada kadib cabsi xoogan oo soo foodsaartay xukumada Xasan Gurguurte iyo gudoonka golahaasi.