Kooxda M23 oo ku sii Siqaya Caasimada Congo Lana Wareegay Goobo hor leh.

Feb 15, 2025

Joornaalka The Star ayaa daabacay warbixin uu kaga hadlayo xaalada gudaha dalka Congo iyo sii siqitaanka ciidanka falaagada M23 oo waayahan dambe wada dagaal culus.

Fallaagada ay taageerto Rwanda ee ka dagaallanta dalka Jamhuuriyada dimuquraadiga ah ee Congo, ayaa ku sii socota inay qabsato dhul badan oo ka mid ah wadankaas, iyagoo beegsanaya goobaha istaraatijiga ah ee aysan ka maarmin Congo.

Waxaa sidoo kale lagu sheegayaa xogta joornaalka in saacadihii lasoo dhaafay ay M23 ay la wareegeen garoonka diyaaradaha ee Kavumu, kaasoo u adeega gobolka Koonfurta Kivu iyo magaalada labaad ee ugu weyn gobolkaa ee Bukavu, waana garoon hamiyad gaa rah u leh wadankan.

Tani ayaa lagu waramayaa in falaagada M23 ay siineyso guulo istaraatiji ah oo hor leh ciidanka Congo ayaana lagu waramayaa inuusan hadda wax awood ah u lahayn inuu sameeyo soo rogaal celin uu kusoo ceshanayo goobihii laga fara maroojiyey, sabab la xiriirta in M23 ay gacanta ku dhigtay khadadkii sahayda iyo isku socodka muhiimka ah.

M23 ama dhaqdhaqaaqa 23-ka Maarso, ayaa horey u muujiyay rabitaankooda ku aadan iney gaaraan caasimada Kinshasa si ay u afgambiyaan dawladda ka arimisa wadankan dhaca bartamaha qaarada Afrika.

FAAFREEB PRO