Xanuunka Sokorta ama maacaanka waa mid kamid ah kuwa ay sida aad ah ula dhibanyihiin dadyow fara badan oo ku nool daafaha caalamka iyadoo aysan ku xirneyn wax da’a ah, 25kii sane ee lasoo dhaafayna waxay bahda caafimaadka caalamka ay baadi goob weyn ugu jireen sidii xal loogu helilahaa sokorta gaar ahaan nuuca koowaad.
Hadaba waxaan warbixintan ku eegi doonaa tajrubo ay sameeyeen qaar kamid ah wadamada ugu waaweyn caalamka oo sida la sheegay lagu guuleystay, Allah idimkiina ruuxa xanuunkan la dhiban u horseedi doonta inuu najaax nololeed.
Sida lagu waramayo wadamo ay kamidyihiin Mareykanka, Shiinaha, iyo Sucuudi carabia ay soo bandhigay bukaanadii ugu horeeyey oo ay u sameeyeen qaliinka qanjirka Ganaca ee loo yaqaano bankeeriyas (pancreas) kaasoo lagu beerayo unugyo ushaqaynaya sida kuwa Beta seliska (beta cells ) ka oo kale ah, kuwaasoo dhiiga ka ka xakameeya sonkorta.
Midan ayaa la sheegay in bukaano badan ay uga maarmi doonaan inay isku duraan cirbadaha insulin kuwaasoo mudo badan ladhibaateysnaa xanuunkan Sokorowga nuuca 1aad.
Isbitalka iyo Jaamacada Magaalada Jikago (Chicago) ayaa soo bandhigay illaa 3-ruux bukaano ah kuwaas la la il darnaa xanuunka sokorta ayna u sameeyeen qaliinka Ganaca, mid kamid ah bukaanadan ayaa la sheegay in lagu guuleystay Operation-kiisa, midna waxa uu hada iskayareeyey isticmaalka cirbada insulinta, halka qofka sadexaat lagu jiro sidii looga soo saari lahaa natiijo wax ku ool ah.
Maralina Godel waa haweeney kamid ah bukaanadii uu soo bandhigay isbitaalka Chicago, waxayna sheegeysaa in ku caafimaaday qaliinkan loo sameyey.
Dhanka kale haaweeneydan ayaa sheegtay laxiriirtay illaa sadex dhaqtar oo ay u sheegtay natiijada kazoo baxday tijaabadan caafimaadeed, iyadoona kadib Email u dirtay Xarunta caafimaadka ee Chicago oo ay xaaladeeda guud.
Dhanka kale magaalada RIYADH ee dalka Sacuudi Carabiya: Isbitaalka Malik Faisal Specialist iyo Xarunta Cilmi-baarista ee Isbitalkaas ayaa sameeyay qalliinkii ugu horreeyay ee ganaca iyadoo loo isticmaalayo tignoolajiyada robotiga, waana sida ay ku warantay wakaaladda wararka ee dalkaasi.
Qalliinkan ayaa lagu sameeyay bukaan dhalinyaro ah oo qaba xanuunka Sokorta nooca 1-aad, kaasoo hada lagu waramayo inuu ka baxay dabinka Sokorta wixii qaliinkiisa ka dambeeyana uusan u baahan adeegsiga cerbada insulin, waana mid muujineyso ayey wakaaladu leedahay awoodda hal-abuurnimada caafimaad ee casriga ah, taas oo sare u qaadi karta tayada nolosha bani aadamka.
Isbitaalka Malik Faisal ayaa sheegay in bukaankan uu la daalaa-dhacayey sonkorowga nooca 1-aad iyo dhibaatooyin daran oo ay ka mid ahaayeen howlgabka kalyaha oo uu qabay muddo sanado ah, taasoo oo xitaa mar sababtay in loo baahdo in lagu sameeyo qalliinka kilyaha.
Inkastoo qalliinka kilyaha uu guuleystay, bukaanku wuxuu sii waday dadaalada uu kulatacaalayey sonkorowga iyo xiriirka dhaqaatiirtiisa caafimaadka, waxaana calaamadaha uu qabay ay ka jawaabi waayeen daaweyntii caadiga aheyd sida ay sheegtay xaruntu.
Qalliinka xubinka ganaca ee loo yaqaano bankeeriyas ayey sidoo kale lagu tilmaamayaa inuu yahay xalka ugu waxtarka badan ee wax looga qaban karo xanuunkan, iyo in la hagaajiyo tayada nolosha bukaanka.
Habka qalliinka oo loo isticmaalay tignoolajiyada robotiga, ayaa u suurta gelisay dhakhaatiirta inay ugu guuleystaan sidii ugu wanaagsaneyd, taasoo yaraynaysa khataraha qalliinka iyo waqtiga bogsashada.
Xarunta cilmi barista ee Isbitaalka Malik Faisal ayaa sanadkii 2023ka waxay ku guuleestay qaliinkii ugu horeeyey ee qolfoofka wadnaha, kadibna beerka oo loo adeegsaday tignoolojiyada casriga.
Dhaqtarka ku taqassusay qalliimada kilyaha iyo beerista bankeeriyaaska Dr Xasan Al–Ciid ayaa kahadlay xaalada bukaanka iyo nuuca qaliinka ee ay u adeegsadeen bukaanka.
Aan eegno markan Dhanka Shiinaha oo isagana ku guuleystay in la abuuro ganaca.
Daaweynta stem–cell waxay beddeshaa nooca 1-aad ee sonkorowga sida lagu sheegay daraasad cusub oo looga hadlayo daweynta xanuunka sokorowga Nuuca 1aad.
Cilmi-baarayaasha fadhigoodu yahay Tianjin First Central Hospital, iyo Jaamacadda Nankai, Tianjin ee dalka Shiinaha, ayaa waxay ka qaateen unugyo baruur ah haweeney 25 jir ah oo qabtay nooca 1-aad ee sonkorowga, waxay kasoosaareen kiimiko u shaqaynaysa ama awood u leh inay jirka ula dhaqanto sida unugyada stem pluripotent, oo ah nooc unugyo oo awood u leh inay kobciyaan unugyada kale ee jirka.
Waxaana isku daygaas lagu abuurayo waxa looyaqaano ka oo ah unugyo kudhexjira xubinka ganaca ee soosaaraa insulinta jirka, waana mid isku dheelatira heerarka glucose ama sokorta kujirta dhiigga.
Cilmi-baarayaashu waxay ogaadeen in haweeneydan aysan u baahnayn cirbadaha insulinta qiyaastii 2 bilood iyo bar kadib markii ay sameeyeen hawsha beerista ganaca, iyadoo sidoo kale markii ay sanad jirtay aanan wali u baahan adeegsiga cerbadan.
Nooca 1-aad ee sonkorowga waa natiijada xaalad katimaada difaaca jirka taasoo keenta in laburburiyo unugyada gudaha ganaca, taasoo la macno ah in jirku aanu samayn karin insuliin intii loo baahnaa, midaa oo keenta in sonkorta dhiiga mar walbaaba fadhida ay sare u kacdo waxayna keeni karta dhibaatooyin kudhaca xiidmaha dhiiga qaada, indhaha, kalyaha iyo nervayaasha.
Hadii dhibtu ay sii socoto ayaa lagu waramayaa iney keeni karto howgab ku yimaada beerka iyo xameytida taasoo sii kordhinaysa xaalada sokorowga.
Dr. khaalid abul–cazm oo ah khabiir ku taqassusay cudurada guud ayaa talaabadan shiinuhu sameeyey kutilmaamay in ay tahay mid wax ku ool ah kagana wanaagsan wadamada kale ee iskudayey arrintan, kuwaas unugyada dawadan loo isticmaalayo kasoo qaadi jiray dadyow kale oo ka caafimaad qabay xanuukan sokorta taasoo keeni karta dhibaatooyin fara badan.
Balse hada shiineeska waxay sameeyeen in ay unugyada difaaca jirka kasoo qaadaan isla qofka xanuusanaya kaasoo dib loogu abuurayo ganaca bukaanka, taasoo sababeysa in bukaankuna xaladiisa caafimaad ay dibay usoo laabato.
Bishii Juun ee sanadkii tagay 2024, shirkadda dawooyinka ee Vertex ayaa shaaca ka qaaday natiijooyinka laga gaaray tijaabadeeda caafimaad ee marxaladda 1/2 ee isticmaalka daawaynta stem-cell ee dadka qaba macaanka nooca 1aad, iyadoo arrinkaas kahor cadeysay shirweynaha Sayniska 84-aad ee Ururka Macaanka Mareykanka.
Insulin waa hormoon jirka ka caawiya nidaaminta heerarka sonkorta ee dhiigga, isaga oo ka dhigaya in heerarkaas ay noqdaan kuwo caafimaad qaba. (pancreas) ayaa soo saara hormoonkan, waxaana uu si caadi ah u sii daayaa qiyaaso kala duwan oo ku xiran heerarka sonkorta dhiigga ee jirka wakhti kasta.
Dadku waxay qabaan sonkorow (diabetes mellitus) marka jirkoodu aanu si fiican u nidaamin heerarka sonkorta dhiigga, taas oo keeni karta laba nooc oo kala duwan oo sonrta ah, midaa oo katimid nidaamintii sonkorta oo sidii loogu talagalay aysan insulintu uga howlgalin, ayey warbixintu leedahay.
Nooca 1 ee sonkorowga (type 1 diabetes) waa marka jirku aanu soo saarin insulin, halka Sonkorowga nooca 2-aad (Type 2 Diabetes) ay tahay xaalad kale oo marka jirku uu waayo awood uu si hufan ugu isticmaalikaro insulin-ta, ama marka qanjirka “pancreas” uu soo saaro insulin, laakiin jirku uusan si fiican uga jawaabin insulin-kaas. Tani waxay keentaa in heerarka sokorta dhiigga ay korodhaan, midaa oo marka danbe halis gelin karta caafimaadka qofka.
Dunida oo dhan boqollaal milyan oo qof ayaa la ildaran xaaladdan joogtada ah, waxaana daaweynta insulin ay muhiim u tahay maareynta xaaladdan, gaar ahaan marka laga hadlayo nooca 1 ee sonkorowga, tajarubadan cusub ee aan kasoo warbixinay ayaasa la saadaalinayaa iney noqon doonto xalka xilga cirbadan iyo
DHAGEYSO WARBIXINTA IYADOO COD AH ????⤵️