Mid kamida mas’uuliyiinta ugu sarraysa kooxda RSF ee dalka Suudaan ayaa iscasilaad ku dhawaaqay maalmo kadib markii kooxda ladhaxalsiiyay guuldarrooyin aad uballaaran.
Sida uu daabacay joornaalka Sudan Tribune waxaa is casilaadiisa ku dhawaaqay Ayuub Cismaan Naxar oo ahaa la-taliyihii taliyaha ciidamada taageerada degdegga ah, isagoo walaac daran ka muujiyey guul darooyinka is daba jooga ah ee ay mudooyinkaan dambe la kulmayaan kooxdiisa dacmu sariic.
Dhanka kale waxa uu ninkan sheegay in asbaabaha uu isku casilay ay kamid yihiin beegsiga ay ciidamada RSF ay u geesanayaan shacabka, isagoona qiray iney diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ay u adeegsan jireen leyynta shacabka, har iyo habeena ay ku garaaci jireen madaafic culculus waxybaahaasna uu u adkeysan waayey sidaasna uu ugu dhawaaqay is casilaadiisa.
“Anigu qayb kama noqonayo dembiyada sida joogtada ah u dhacaya iyo bartilmaameedsiga dadka rayidka ah, iyadoo badqabka noloshu ay had iyo jeer tahay mudnaanta koowaad oo laga hormariyo danaha siyaasadeed iyo faa’iidooyinka.” Ayuu yiri masuulkan is casilay.
Midan ayaa markale ah marag fur muujineysa sida kooxda dacmu sariic ay u daadineyso dhiiga shacabka muslimka ah ee Suudaan ee aanan waxa lugta ah ku lahayn hardanka ka dhax socda Laba jeneral ee Cabdi Fitaax Al-Burhan iyo Maxamed Xamdaan Daglo, walow militariga sudan isaguba uu dhankiisa kawado xasuuqa bulshada.
Dhanka kale Iscasilaada Naxar ayaa timid saacado kadib markii ciidamada Suudaan ay guulo ka gaareen dagaalka ay kula jiraan RSF, sida iney go’doomiyeen taliska guud ee ay falaagadu ku leeyihiin gudaha caasimada, iyo ka horna ay dheceen duqeymo xoogan oo lala eegtay bartilmaameedyo dhowr ah oo ku sugnaayeen maleeshiyaatka Janjawiidka.
FAAFREEB PRO