Khilaafka Udhaxeeya Murtadiinta oo La Sheegay in uu Gaari Karo Gacan ka Hadal

Feb 1, 2025

ismariwaaga siyaasadeed ee udhaxeeya kooxda riddada iyo siyaasiyiinta mucaaradka ayaa gaartay meeshii ugu xumeed arrinkaas oo saameeyay waxa loogu beesha caalamka oo ah shisheeyaha ku sugan xerada Xalane ee sida dad badan umaamula kooxda.

ilo wareedyo ayaa sheegaya in xildhibaanno iyo siyaasiyiin mucaarad ah ay gudbiyeen dacwad ka dhan ah Xasan Gurguurte oo ay ku eedeeyeen in uu abaabulayo dagaal udhaxeeya murtadiinta dhaxdooda.

Mucaaradka ayaa la sheegay in ay wadaan hub aruursigii ugu xoogganaa iyagoona qornayay maleeshiyaad ay doonayaan in ay ku carqaladeeyaan damaca Xasan Gurguurte ee ah abaabulka waxa loogu yeero doorasho qof iyo cod ah.

Nin lagu magacaabo Diini Maxamed Diini oo madax ka ah waxa loogu yeero ururada bulshada Rayidka ayaa saadaaliyay in Muqdisho ay marti gelin doonto xiisado hubeysan haddii Xasan Gurguurte uu sii wado abaabulka doorasho ku sheeg isagoo qiray khilaafka hadda jira uu yahay midkii ugu xumaa.

Mar walba oo muddo xileedka madaxda kooxda riddada uu sii dhammaanayo ayay banaanka soo baxaan khilaafaadka murtadiinta udhaxeeya balse hadda waxaa barbar socda boob dhaqaale oo uu wado murtad gurguurte isagoona xaalufin ku haya dhammaan kaabayaasha dhaqaalaha dalka