Somaliland oo Rajo ka Muujisay in Trump uu u Aqoonsado Dowlad Madax-Banaan:

Jan 26, 2025

Wasiirka Warfaafinta maamulka ridada ee Somaliland Axmed Yaasiin Cali Ayaale ayaa sheegay inay filayaan inuu Madaxweynaha cusub ee Mareykanka Donald Trump uu aqoonsado Somaliland, taasoo uu sheegay inay isbadal ku keeni doonto gobalka oo dhan.

Wuxuu intaasi raaciyey inay baaq u dirayaan Mareykanka oo ku aadan in helaan aqoonsi ay kaga go’ayaan Soomaaliya inteeda kale.

Wasiirkaan ayaa ku eedeeyey kooxda ridada Soomaaliya inay qarcaladeyn kuwado in Somaliland la aqoonsado dowlad madax-banaan.

Bilihii lasoo dhaafay ayaa warbaahinada qaarkood waxay sheegeen in Maraynkanku uu Somaliland u aqoonsan doono dal gaar ah marka uu Trump xukunka yimaado, tasoo keentay mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Hargeysa arrintaasi iyagana ka hadlaan.

Xubno Xildhibaano ah oo ka tirsan Baarlamaanka Mareykanka ayaa la tilmaamayaa inay Trump ku cadaadinayaan inuu qaado tallaabo uu ku aqoonsanayo Somalilnad.

Safiirka kooxda ridada u fadhiya Mareykanka ayaa sheegay inay aad uga xunyihiin Aqoonsida Mareykanka ee Somaliland la doonayso, isagoona sheegay in arrintaasi ay dhaawici doonto xiriirka u dhaxeeya Mareykanka iyo kooxda ridada Soomaaliya.