Dowlada Kenya oo Lagu Edeeyay Afduubka Kaoscda Dalkaasi.

Jan 18, 2025

Xilii afduubka ka jira gudaha dalka Kenya uu noqday mid xargagoosad ah ayaa lagu waramayaa in mid kamid ah golaha wasiirrada ee dowladda Kenya la afduubtay wiil uu isaga dhalay kaas oo uusan in muddo ah ku sheegin meelna walow markii dambe uu si dirqi ah ku helay.

Waxa uu masuulkan Kinyaanka ah sheegay in wiilkiisa la afduubtay intii ay socdeen dibadbaxyada looga soo horjeedo xukuumadda Willm Rutu ee sanadkii tagay ka dhacay gudaha wadankaas.

Justin Muturi oo ah wasiirka howlaha guud ee Kenya ahna ninkan la afduubtay wiilkiisa ayaa tilmaamay in wiilkiisa lasii daayay kadib markii uu arrintiisa soo fara galiyay madaxweynaha dalkaas William Ruto, madaxweynuhuna uu ogyahay cidda ka dambeeya afduubyada lagula kacay tobannaan ruux oo kasoo horjeeda dowladdiisa.

William Ruto iyo madaxda hey’adda sirdoonka ee Kenya ayaanan illaa iyo hadda wax jawaab ah ka bixin eedeynta uu usoo jeediyay wasiirkaan katirsan xukuumadda Nairobi, ee aheyd iney iyagu ka dambeeyeen afduubka loo geystay wiilkiisa iyo in wax walba ay ogtahay dowladda Willm Rutu.

Tani ayaa waxa ay xoojineysaa eedeymo ay todobaadyadii lasoo dhaafey jeedinayeen hey’adaha sheegta iney u doodaan xuquuqda aadanaha ee ka howlgala Kenya, kuwaas oo ku aaddanaa in xubno katirsan dowladda ay ku lug leeyihiin afduubyada xad-dhaafka ah ee ka soconaya gudaha dalkaas.

Eedeynta kasoo yeeryay wasiirka katirsan dowladda Kenya ayaa kusoo aadeysa, iyadoo mudooyinkii lasoo dhaafay ay aad isku soo tarayeen wararka la xiriira afduubka baaxadda leh ee ka soconaya gudaha dalkaas, iyadoo la la’yahay boqallaal ruux oo lagu tuhmayo iney uxiran yihiin xukuumadda kaafirada ah ee Nairobi.