Maleeshiyo Uu Maraykanku Taageerayay Oo Lagu Jabiyay Duleedka Kismaayo.

Jan 1, 2025

Dagaal culus oo u dhaxeeya ciidamada Mujaahidiinta iyo kuwa Murtadiinta oo hawada sare ay ka taageerayaan diyaaradaha Saliibiyadda Mareykanka ayaa xalay ka dhacay duleedka magaalada Kismaayo.

Dagaalka ayaa yimid kadib markii kolanyada Murtadiinta ee kismaayo kasoo baxay oo Mareykankane hawada sare ka taageeraya isku dayeen iney soo weeraraan deegaanka Beerxaano oo ka mid ah deegaanada dhaca duleedka Kismaayo laguna maamula ku dhaqanka Shareecada Islaamka.

Dagaalka markii muddo kooban socday ayaa waxaa Murtadiinta usoo dagay diyaarad Eelecobtar ah oo goobta ka qaaday meydadka iyo dhaawacyada Murtadiinta.

Ugu dambeyntii Murtadiintii duulaanka soo qaaday ee diyaaradaha Mareykankane hawada ka taageerayeen ayaa iyagoo jabay waxey dib ugu laabteen magaalada Kismaayo.