Sida uu daabacay wargeyska kasoo baxa dalka Jarmalka ee Bild waxaa lagu soo waramayaa in diyaarad ayaa ku burburtay meel u dhow garoonka Stuttgart ee dalka Jarmalka Ilaa hada joornaalka ma shaacin waxa rasmiga ah ee keenay dhacdada iyo inta khasaare ee ka dhashay halkaasi
Dunida ayaa maalmahu la ciir ciireysa shilalka diyaaradaha, waxaana muddo kooban gudeheeda lasoo diiwaangaliyey burburka diyaarado fara badan oo ay nafta kuwaayeen tobaneeyo ruux, aan milicsano bal kuwii ugu dambeeyey ee lasoo tabiyey maalmahan gudohood.
- Diyaarad laga leeyahay Brazil ayaa burburtay, waxaana ku geeriyooday 10 qof.
- Diyaarad ay leedahay Asarbayjaan ayaa burburtay, 38 ayaa dhimatay, 29 kalena waa ka badbaadeen.
- Diyaarad laga leeyahay Kuuriya Koonfureed ayaa shalay burburtay, 179 oo saarna kaliya 2 ayaa ka badbaaday.
- Diyaaradda Canadian Airlines ayaa shil ku gashay garoon diyaaradeed gudaha Canada, ma jirin wax khasaaro nafeed ah.
- Diyaaradda KLM ayaa lagu khasbay si deg deg ah ku degto, kaddib cilad wajahday gudaha dalka Norway walow aan la shaacin khasaaraha dhashay.
- Norwegian Air ayaa iyadana dhabaha ka baxday walow sidoo kale aan la shaacin xadiga khasaare ee dhashay.
• Diyaarad yar ayaa shalay ku burburtay dalka Imaaraadka Carabta, waxaana ku geeriyooday duuliyihii Iyo qof la socday.
Intaas oo dhacdooyin ah ayaa caalamka laga soo diiwaangaliyey muddo yar gudeheeda, waxaana wali laga cabsi qabaa dhicitaanka diyaarada hor leh.
FAAFREEB PRO