“Madaxweynihii ugu cimriga dheeraa Maraykanka ayaa ku dhintay da’da 100-ka ka dib markii uu ku dhawaad 2 sano ku qaatay Isbitaal” waa ciwaanka warbixin uu daabacay joornaalka Ameerikaanka ah ee Newyork Post.
Sida lagu soo waramay saacadihii lasoo dhaafay waxaa baqtiyey Jimmy Carter oo ahaa madaxweynihii 39-aad ee Mareykanka, kaasoo mudooyinkii dambe sida la cadeeyey la daalaa dhacayey xanuuno kala duwan oo uu ugu dambeyntii sababsaday.
Ninkan ayaa xilka hayey xilligii dagaalkii qoboobaa ayna dhanka kale jirtay afduubyadii Iran, iyo inuu goob jog u ahaa dhacdooyinkuu waqtigaas ugu kulalaa caalamka ee Bariga dhexe iyo Soomaaliya, waxaana warbixinta lagu xusay inuu sidaas ku noqday madaxweynihii ugu cimriga dheeraa ee soo mara Taariikhda Mareykanka.
Gabagabadii ninkan ayaa ku baqtiyey magaalada caasimada ah Plains ee gobolka Georgia, halkaas oo la sheegay inuu yahay gobolka mesha uu asal ahaan kasoo jeedo Jimmy Carter.
FAAFREEB PRO