Shiinaha ayaa soo bandhigay diyaarado casri ah xilli Mareykanku uu ka mashquulay qaadista talaabo midaas lamid ah.
Sida uu daabacay joornaalka xukuumada Beijing ayaa soo bandhigtay diyaarado dagaal si gaar ahaaneed kuwa ku socda jooga sare, waxaana lagu sifeeyey iney yihiin jiilka Lixaad ee diyaaradaha kaligood fuliya howgalada.
Falanqeeyaal u dhoon daloola arimaha aasiya ayaa sheegay in Shiinuhu uu ku jiro diyaargarow xoogan, Mareykanka kala hormaray soo saarashada diyaaradan jiilka Lixaad ah, xilli xukuumada Washington ay ku mashquulsaneyd marxalad ka guur ahna ay Beijing ka faa’ideysatay fursadeeda waa sida hadalka loo dhigee.
Waxaa dhanka kale la dhihi karaa Shiinaha ayaa midaan kusoo aadiyey waqti kale oo xasaasi ah, xilli uu sii xoogeysanayo iyaga iyo jaziirada Taiwan ee ay Mareykanka iyo xulafadiisa garab taaganyihiin, taasoo tiro dhowr jeer ah ay ka digtay Beijing balse dhag loo dhigi waayey, sugitaana loogu jiro waxa ay noqon doonto jawaabta kama dambeyska ah ee kasoo bixi doonta dhanka xukuumada uu hogaamiyo Xi Jinping.
FAAFREEB PRO