Sanadka 2024 oo Noqday mid Duruus u Dhigay Kaligood Taliyaa Dhowr ah.

Dec 28, 2024

“Sanadka 2024 waxa uu ahaa mid u xun kaligood taliyaasha” waxaa sidaas lagu bilaabay warbixin uu daabacay wargeyska maalin laha ah ee Wall Street Journal kana soo baxa dalka Mareykanka.

Waxay ugu horeyntii jariiradu ay tibaaxeysaa in sanadkan sii idlaanaya ee 2024 uu noqday mid duruus lama ilaabaan ah u dhigay maamulo dhowr ah oo kaligoo taliyaal ahaa, waxaana tusaale loo soo qaadanayaa wixii ka dhacay Bangaladesh iyo Suuriya, kadib markii xilka laga tuuray misana ay wadamadooda isaga baxsadeen Bashaar Al-Asad iyo Xasiina.

Dhanka kale jariirada ayaa sheegeysa in sanadkan uu ahaa mid cadaadis xoogan la saaray maamulo dhowr ah, sida xukuumada Venezuela ee uu hogaamiyo ninka kaligii taliyaha lagu tlmaamo ee Nicolas Maduro, Tan Tehran iyo taliska militariga ee Myanmar.

Dhamaan dhacdooyinkaan ayaa caalamka tusay in mar un laga taqalusi doono nidaam walba oo rajiim ah misana madaxa uga taagan shacabkiisa, waxaana durbadiiba ay cabsi xoogani soo food saartay xukuumado badan oo lagu xanto diktaatoornimada iyo daadinta dhiiga.

FAAFREEB PRO