Sida joornaalo dhowr ah ay kasoo xigteen shabakada wararka ee Ameerikaanka ah ee Axios, waxaa la is weydiinayaa maxay noqon doonaan talaabooyinka ugu horeeya ee uu qaadi doono Donald Trump maalinka Koowaad ee uu yimaado xafiiska aqalka cad kuwaas oo noqon doona kuwa jiheyn doona siyaada Mareykanka Afarta sano ee soo aadan.
Shabakada oo baaritaanadeeda wax ku dhisaneysa ayaa sheegtay in Trump uu doonayo ina maalinkaas uu qaado Sadax talaabo oo kala ah, waa mida Koowaadeed fulinta awaamir ku saabsan soogalootiga oo uu ninkan aad u necebyahay fagaara walbana uu uga hanjabi jira inta uu dibad jooga ka ahaa aqalka cad.
Arinka Labaad ayaa lagu wadaa in isaguna uu noqon doono dhaqangalinta ololihiisii ahaa “Make America Great Again” iyo in siyaasada uu ka miro gaarna uu uga saaro dhamaan ashaqaasta kasoo jeeda garabka kale ee uu u arko iney soo gudbinayaan afkaar ka baxsan kuwa jamhuuriyiinta, iyo in reer yurub markii ay dhaqaale timaado lagu wajahi siyaasad hor leh oo daqli usoo xareyn karta Mareykanka.
Talaabada Sadaxaad ee la filayo in Donald Trump uu qaado maalinka Koowaad ee uu yimaado xafiiska waa inuu ka dhawaajiyo hab dhaqanka cusub ee uu ku wajihi doono ganacsatada gudaha, maadaama uu horay u balan qaaday in wax badan uu ka badali doono arinkaas.
In kastoo midan ay tahay baaritaan iyo saadaalino la isku larey hadana waxaa xusid mudan in dhowr iyo Labaatan cisho ay hadda ka dhiman imaashiyaha Trump ee xafiiska, waxaa indhaha loo wada jeedinayaa dhanka aqalka cad iyo arimaha uu ninkan kursiga la imaandoono maalmaha ugu horeysa.
FAAFREEB PRO