Baarlamaanka Kuuriyada Koonfureed ayaa xilka ka qaaday kusimaha madaxweynihii wadanka ee ay shacabku ku gadoodeen misana xilka laga qaaday.
Sida uu daabacay joornaalka Al-Sharqul Awsat golaha baarlamaanta Kuuriyada Koonfureed ayaa markale isku afgartay in xilka laga xayuubiyo ra’iisul sawaarihii dalka dhanka kalana hadda ahaa kusimaha madaxweynaha maadaama Yoon Suk-yul oo ahaa madaxweynhii dalka kursiga laga tuuray gadood ay sameeyeen shacabka wadankaas awgii.
Golaha ayaa u codeeyey talaabadaan, waxayna midaan noqoneysaa sida lagu waramayo markii ugu horeysay ee taariikhda abid xil laga qaado kusime madaxweyne, taasoo hadda muujineysa sida ay usii xumaaneyso xiisada siyaasadeed ee ka taagan wadankan.
Dhanka kale waxaa lagu waramayaa in tani ay sii fogeyn doonto qadiyada taagan misana ay dhaawici doonto kalsoonida ay ka heystaan dalal badan oo wixii hadda ka dambeeya u arki doonaa meel qalalaaseheeda uusan dhamaan oo la isku hardinayo waana sida hadalka loo dhigay.
FAAFREEB PRO