Cilaaqaadka Ruushka iyo Kuuriyada Woqooyi iyo Masiirka Askarta Pyongyang.

Dec 22, 2024

Cilaaqaadkii lasii xoojinayey mudooyinkan dambe ee u dhexeeyey Kuuriyada Woqooyi iyo Ruushka, ma hadafkiisa waxa uu ahaa in Moscow ay askar ka hesho dhanka Pyongyang mise arimo kale oo dheeri ah.

Sida uu baahiyey wargeyska The Telegraph ee kasoo baxa dalka Ingiriiska, ahdaafta ugu waaweyn ee ay waayahan dambe cilaaqaadkooda u xoojiyeen Kim Jon Un iyo Vladamir Putin waxaa kamid ah in Kuuriyada Woqooyi ay askar fara badan siiso Ruushka si ay uga qeyb qaataan dagaalka Ukrain, taasina waa mida dhacday oo lawada arkay.

Hase ahaatee waxaa lagu waramayaa in ciidamada Pyongyang ee garab istaagay kuwa Moscow ay durbadiiba haada calaf u noqdeen oo lagu feenanayo fagaarooyinka dagaalka, iyagoo laga dilay tobaneeyo askari kun kalana ay dhaawac u yaalaa goobaha caafimaad ee ciidanka, waxaana midaas loo aaneynayaa asbaabo dhowr ah, sida aqoon yaridooda dhulka ay dagaaladu ka socdaan, xirfadooda dagaal oo lagu tilmaamay mid qadiimi ah oo lagu dagaal gali jiray muddo 70 sano ah ka hor iyo baqa cararka oo ku badan gudaha askarta, iyadoo lasoo duubayey askar Kuuriyaan ah oo si raxan raxan ah uga firxanaya fagaaraha dusha sarana ay rasaasta ciidamada Ukrain uga hoobaneyso.

Ilaa hada lama oga hadii Kim Jon Un uu ciidamadiisa haraadiga ah uu dib ula bixi doono, maadaa uu dareemayo inuu ku hor fadeexoobay caalamkii mooday in awooda askartiisa ay tahay mid aanan la loodin Karin, warbaahintuna ay durbadiiba bilowday daabicida warbixino maadeysi ah iyo baahinta sawirada askarta Kim oo sii baxsanaya gooba dagaalka.

FAAFREEB PRO