Maxay ku Qotomaan Dhaleceymaha uu Biden Wajahayo Kahor Xill ka Dagistiisa?.

Dec 5, 2024

Politico ayaa daabacday warbixin ay ku sheegeyso in madaxweynaha aqalka cad ee xilka kasii dagaya uu dheleyceymo isdaba jog ah kala kulmayo saraakiil Ameerikaan ah iyo shaqaalaha ka howgalada hay’ada sheegata iney u doodo waxa loogu yeero xuquuqda aadanaha.

Saraakiishan ayaa ka gadoodsan jajeeritaanka iyo xiriirta danaha badan ku dhisna ee ka dhexeeya Mareykanka iyo Imaaraatka, maadaama Abu Dubai lagu eedeeyey iney dacmin xoogan siiso kooxaha dacmusariic ee dagaalka kula jira Janeral Cabdi Fataax Al-Burhaan.

Biden ayaa horay loogu baaqay yarenta cilaaqaadka Imaaraatka, halka masuuliyiin sare sare oo ka tirsan Koongareeska Mareykanka sida aan ogeynba ay ku dhawaaqeyn in Abu Dubai cunaqabateyn la saari doono hadii ay joojin weyso ku luglahaanishaya waxa ka socda Sudan.

Lama oga hadii Trump uu isagana halkan kasii wadi doono cilaaqaadka xaliifkooda ugu weyn bariga dhexe ee Imaaraatka, isagoo dhagaha ka fureysanaya waxa eedeyn ah ee uga imaaneysa masuuliyiinta Ameerikaanka ah iyo waxa uu martigalinayo dalka Sudan.

FAAFREEB PRO