Sawirro iyo Muuqaallo Lasoo Bandhigay 14 oo Dagaalka Qaza ah Kadib.

Dec 5, 2024

Wargeyska Washington Post oo baaritaano iyo daba gal ku sameeyey sawirro iyo muuqaallo laga soo duubay gudaha Qaza mudadan 14-ka bilood ah ee ay dagaaladu socdaan.

Saxiifadu waxay ugu horeyntii sheegeysaa in iyadoo kaashaneysa saxafiyiinteeda iyo kuwa kaloo ka howgala warbaahinta Ingiriiska ay si wada jir ah gorfeyn ugu sameeyeen muuqaaladii iyo sawiradii laga soo bandhigayey gudaha Qaza tan iyo bilowgii dagaalka, kuwaas oo qaarkood ay askarka yuhuuda gacantooda ku duubeen iyagoo jees jeesaya, waxayna sheegeen iney muujinayaan dulmiga iyo cadwtooyada uu wado maamulka isugu yeera Israel, isagoona ku kacay ayey leedahay warbixintu dabiyo dagaal oo culus kana talaabay qawaaniinta u dagsan dagaalka.

Jariiradu waxay sidoo kale tibaaxeysaa in dhamaan muuqaallada iyo sawirraduba ay tuseen khubaro dhanka sharciga ah iyo falanqeeyaal reer galbeed ah, waxayna isku waafaqeyn in waxa maamulka Natanyaahu uu wado ay yihiin jariimooyin aanan indhaha laga saaban Karin.

Warbixinta wargeyskan Ameerikaanka ah ayaa dad badan markale tustay waxa tacadi ah ee uu geysanayo kayaanka dhiigyacabka ah ee uu hogaamiyo hitleerka casrigan Binyamin Natanyaahu.

FAAFREEB PRO