R/Wasaarihii Hore ee Yuhuuda “Israel Waxay Qaza ka Wado waa Isir Sifeyn”.

Dec 3, 2024

Jariirado waaweyn ayaa maanta warbixin ka daabacay hadal kasoo yeeray Moshe Ya’alon oo ah wasiirkii hore gaashaandhiga yuhuuda, kaasoo sheegay in waxa maamulkiisa isugu yeera Israel uu ka wado gudaha Qaza ay yihiin dembiyo dagaal iyo isir sifeyn.

Kadib hadalkan uu dhawaajiyey masuulkan hore, joornaalka New York Times oo warbixin nashriyey ayaa sheegay in tani ay tahay qiraal culus oo aanan la dhayelsan Karin oo uu ka dhawaajiyey nin xill sare mar soo heyn jiray.

Dhanka wargeyska Haaretz isagana warbixin uu daabacay waxa uu ku sheegay in marka loo kuurgalo waxa ay geysanayaan Bezalel Smotrich, Itamar Ben Gvir iyo wasiiro kale oo ka tirsan xukuumadda Binyamin Natanyaahu ay sax noqoneyso hadalka uu ka dhawaajiyey wasiirkii hore ee gaashaandhiga yuhuuda ee ah in maamulkiisu uu gudaha Qaza ka wado dembiyo dagaal iyo isir sifeyn.

Saxiifado kale sida Washington Post iyo Jerusalem Post ayaa iyagana wax ka daabacay qoodbkan, intooda badan joornaaladan marka la isku soo wada xooriyo warbixinadoodana waxay u muuqdaan kuwa taageeraya hadalka masuulkan hore ee yuhuudiga ah.

FAAFREEB PRO