Biden oo Safar ku Tagay Saacadihii Lasoo Dhaafay Dalka Angola.

Dec 3, 2024

Madaxweynaha Mareykanka ee xilka kasii dagaya Joe Biden ayaa saacadihii lasoo dhaafay gaaray dalka Angola ee dhaca Koonfurta qaaradan Afrika.

Sida ay baahiyeen saxiifado kale duwan oo ay ugu horeyso Newyork Times safarkan ujeedkiisa ayaa lagu sheegay inuu yahay sidii Biden uu uga dhabeyn lahaa ballan-qaadkiisii ​​ahaa in uu booqan doono qaaradda Afrika inta uu xilka hayo, waxaana inta uu ku guda jiro safarkiisan uu diiradda saarayaa mashruuc weyn oo tareeno ah oo uu Mareykanku taageerayo lana doonayo in laga hirgaliyo qaarada.

Warbixinta joornaalka ayaa dhanka kale muujineysa in hoos u dhac balaaran uu ku yimid xiriirka Mareykanka iyo Afrika tan iyo markii uu xafiiska yimid Biden, taasoo oo la dhihi karo waxaa cadeyn u ah sida Ruushka iyo Shiinaha ay ugu sii luga fidsanayaan inta badan qaarada gaar ahaan galbeedkeeda, waana markii ugu horeysay ee uu mdaxweyne Mareykan yimaado afrika tan iyo sanadii 2015 ayuuna leeyahay Newyork Times.

Dhanka kale safarkan Biden uu ku gaaray dalka Angola ayaa lagu tilmaamay loolan adag oo uu mareykanka la galayo Shiinaha marka laga hadlayo macdan labixista iyo daabulashada kheyraadka dhaxceegaaga dhulka Afrika.

FAAFREEB PRO