Sasabo dhowr ah oo isbiirsaday awgood macquul ma ahan in dagalka Suuriya uu dhawaan joogsado, waa ciwaanka warbixin ay si wada jir ah u daabeceen saxiifadaha The Timse iyo The Gardian.
Ugu horeyntii waxay xogta joornaaladan tibaxaayaan in dagaalka Suuriya hada ka socda uu ku bilowday qaab kadis ah oo aanan horay looga qabin wax filasho ah, mucaaradkuna ay heleen fursad weyn oo u saamaxday iney dhaqaaqaan sameeyaana wixii la arkay ee isfidin ah waliba muddo kooban gudeheeda.
The Times ayaa dhankeeda sheegtay in kooxaha mucaaradka ay ka faa’ideysteen dulduleelo dhowr ah oo ka banana dhanka nidaamka Bashaar Al-Asad, sida inuu sii naxuusayey xiriirka uu la leeyahay Ruushka iyo Iran oo hada ku howlan umuurohooda gudaha hub iyo askar wixii ay hayeena u weeciyey dhicayo kale, macquulna aysan ahayn inuu ka helo wax gurmad deg deg ah, waana mid tan ku dhiirisay mucaaradka iney sameeyaan taqadum iyo isfidin xowli ku socota.
Asbaabahan iyo kuwa kale oo dhowr ah ayey joornaaladan u daliishanayaan ineysan suuragalan ahayn in muddo dhow uu soo afmeermo dagaalka ka holcaya Suuriya, taa badalkeedna ay sii socon doonto is fidinta koxaaha mucaaradka.
FAAFREEB PRO