Mas’uuliyiinta dalka Nigeria ayaa sheegay in 27 qof oo meyd ah laga soo saaray goob uu shil doon ah ka dhacay oo ku taalla bartamaha gobolka Kogi ee wadankaas.
Ugu yaraan 24 qof oo kale ayaa la soo badbaadiyay kuwaas oo hadda lagu daweynayo isbitaallo kala duwan, dhanka kale in ka badan 100 qof ayaa weli maqan.
Hawlgallada baadi goobidda iyo samatabbixinta ayaa sii socda sida ay sheegayaan warbaahinada maxaliga ah.
Doonta ayaa siday in ka badan 200 oo rakaab ah, markii ay ku degtay biyaha webiga mara bartamaha gobolka Kogi.
Sida ay soo tabinayaan xogaha aaa shilkii saddexaad ee noocaan ah ee ka dhaca Nigeria 60-kii maalmood ee la soo dhaafay.