Bariga dhexe nabad ma heli doono ilaa ay Qaza nabad hesho, waa ciwaanka warbixin uu daabacay wargeyska kasoo baxa Ingiriiska ee The Guardian.
Ugu horeentii saxiifadu waxa ay sheegeysaa in heshiiskuu ay wada galeen ururka isugu yeera Xisbullah iyo kayaanka sahaayinada aysan wax sidaas u weyn aysan ka badali doonin xaalada amini ee gobolka, kaliyana ay rajo yar galineyso muslimiinta reer Filistiin.
Waxa uu joornaalku ka dhawaajiyey in yuhuudu ay wali sii wadaan xasuuqa iyo burburinta ay u geesanayaan dhismayaasha dhaadheer ee Qaza, taasina kaliya ay dab kusii shideyso xaalada gobolka ee hada gubashada ku dhow, waa sida uu hadalka u dhigee.
Waxay warbixintu gabagabadii sheegeysaa in isdhiibida ururka isugu yeera Xisbullah ay Binyamin Natanyaahu fursad usiineyso inuu sii wado dagaalka Qaza, si uu waqtiga u sii dheereysto ugana meer meero maxkamadii la doonayey in lasoo saaro.
FAAFREEB PRO