Maamulka yuhuuda ayaa wali u muuqda mid dhankiisu uusan ka dhaqan galin heshiiskii ay la galeen ururka isugu yeera Xisbullah.
Sida ay nashrinayaan inta badan jariiradaha caalamka, maamulka la magac baxay Israel ayaa saacadihii lasoo dhaafay markale duqeymo ka fuliyey gudaha dhulka Lubnaan, xilli maalinkiisii 6-aad uu sii galayo hesiiska ay dhinacyadu gaareen.
Isku geynta weerarada duqeymaha ah ee ay yuhuuda ka fuliyeen gudaha dhulka Lubnaan tan iyo heshiiska waxay hada gaarayaan ilaa Shan duqeymood oo xoogan, mana jiraan wax jawaab ah oo uu ilaa hada bixiyey ururka Iran ku daaban ee isugu yeera Xisbullah.
Heshiiskan u adeegaya kayaanka sahaayinada ayaa hadda dhulka kusii daraya awoodii maamulkan, isagoona aanan waqti xaadirkan awoodin inuu ka falceliyo wax weeraro ah ee uu la kulmayo, maadaama laga dhufaanay qaadida talaabo walba oo lidi ku ah xukuumada Binyamin Natanyaahu.
FAAFREEB PRO