Murtad Shariif Sheekh Axmed oo ah madaxii hore ee kooxda Riddada Somalia oo maanta shirjaa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa eedeymo xoogan u jeediyey kooxda Riddada ah ee uu Xasan Gurguurte hoggaamiyo.
Wuxuu ku eedeyey inuu Xasan Gurguute doonayo muddo kororsi, isagoo ku ganbanaya doorasho qof iyo cod ah.
Shariif murtad wuxuu soo hadal qaaday xiisadda ka taagaan maamulka Jubaland taas oo u dhaxeysa kooxda ridada iyo maamulka Axmed Madoobe.
Wuxuu sheegay inay duullaan yihiin ciidanka uu Xassan Gurguurte dhawaan geeyey magaalada Raaskambooni ee gobolka Jubbada hoose.
Wuxuu sidoo kale ka hadlay warqadda ay soo saartay kooxda Riddada ee lagu soo xirayo Axmed Madoobe oo uu sheegay inay tahay mid sharci darro ah, islamarkaana Axmed Madoobe uu yahay madaxa maamulka Jubbaland doorashadii uu qabsadayna ay tahay mid saxan, sida uu hadalka u dhigaye.