Warbixin-Ingiriiska oo Noqday Meel Laga sii Cararo Xaaladahan Awgood.

Nov 27, 2024

Dalka Ingiriiska, waa mid kamid ah wadamada kuwa isku sifeyn jiray madaxya weynta caalamka marka laga hadlayo xaga dhaqaalaha, xadaariga iyo quwaduba, balse maanta inta badan tilmaamahaas ayaa noqday kuwa cagsi ah, boqortooyadii kibirku hareeyana waxay shacabkeedu hadda lugaha lasii galayaan burbur hor leh.

Tan iyo bilihii u dambeeyey ee sanadkan 2024, waxaa baraha kala duwan ee Internt-ka si aad ah usoo galayey marba marka kasii dambeysa muuqaallo iyo taqaariir daaha ka rogaya xaalada dhabta ah ee ka jirta gudaha dalka Ingiriiska, si gaar ahaaneed dhanka nolosha iyo amniga.

Uk ayaa lugaha la gashay dhaqaala burbur xoog leh, waxaa shaqooyinka laga soo eryey boqolaal shaqaalo ah, waxaa albaabada la iskugu dhuftay oo musalafay shirikaad dhaqaalo ahaan ku fadhiyey malaayiin dollar, waxaana wadanka naftooda kala cararay muwaadiniin fara badan.

Hadaba hadii xaalada wadanka ay sidan noqotay, waxaa durbadiiba bilowday hayaamitaan xoogan oo ay dadku uga qalab qaadanayaan gudaha dalka Ingiriiska, iyagoona u sii jihesanaya dhanka wadamada kale ee Yurub, boqolaal muwaadiniin iyo kuwa kor ka imaad ah ayaa ka baxay gudaha Ingiriiska bilihii lasoo dhaafay, waxaa sidoo kale ganacsiyadooda halkan ka rartay milyaneero fara badan.

Hadii aan ku hormarno dhanka dadka rayid ah ee naftooda kala baxsanaya Ingiriiska, waxay warbixinadu tibaaxayaan in dadkan aysan u adkeysan karin asbaabo dhowr ah oo isbiirsaday, waa mida koowaadee qiimaha nolosha oo uu ku yimid sara u kac xoogan xilli shaqa la’aan ay jirto dhanka kale.

Waxaa lagu waramayaa in halka qof ee ku nool gudaha dalka Ingiriiska ay bishi ku keceyso qarash ahaan lacag marka dollar ahaan laga dhigo gaareysa ilaa $3,135, taaso sida muuqata ay ku adagtahya inuu bixiyo qofka aanan heyn waxa camalka ah.

Arinka Labaa ee ay ka cabanayaan shacaka Ingiriiska ayaa ah in bulshadu ay noqdeen kuwa ka tagay xaalada is garabsiga dhaqaale, qof walbana uu hada isku dayayo inuu dhinac ula boxo saamiga uu ku leeyahay wadanka, waana marxalad ay ku sifeeyeen midii ugu liidatay ee ay arkaan taariikhdooda.

Kor u kaca Heerka Dambiyada, isagana waa qodob kale oo ay hoos ka xariiqayaan inta badan warbixinada laga daabacayo qodobkan, sababna u ah in shacabka ay iska hayaamaan wadankan, waxaa gudaha Uk ku lixaadsaday mudooyinkii dambe dilalka iyo dhaca baahsan ee loo geesanayo shirkadaha ka howgala gudaha wadanka, iyadoona xukuumadu ay u muuqato mid ku fashilanatay wax ka qabadka arinkaas.

Magaalooyinka waaeyn ee Ingiriiska ayaa noqday xudunta falalka argagaxa leh oo idil, sida dilalka qorsheysan ee Gangs-ku lagaha kusoo qaataan, dhaca bareerka ah iyo kufsiga, tanina waxay horseeday ayaa la yiri in dad badan ay sida ugu dhaqsiyaha badan ay boorsadohooda ka xirxirtaan wadankan.

Olly Dobson waa mid kamid ah dadka asalka u leh dhulka Ingiriiska waxa uu ku yiri muuqaal uu soo dhigay bartiisa YouTube, “Uk waa wadan xun iyo goob aanan u wanaagesaneyn iney dhalinyarada ku noolaadaan, dad badan oo Onilne-ka ku jira gaar ahaan bartan YouTube waxay ka hadlaan hoos u dhaca dhaqaale ee UK, waana sabab la dhi karo waa mida uu dalkan ugu sii dhacayo hogga.

“Dhanka kale waxaa wadanka ka jira darxumo iyo niyad jab, taaoo yareysay maskaxdii wadajirka ahayd ee wada shaqeyn jirtay iyo wanaagga dadka”.

Hadaba hadii aan soo aragnay xaalka shacabka reer Uk iyo sida ay hada khuus buuxda uga muujinayaan kusii noolaashiyaha gudaha wadankooda, aan markan u gudubno dhanka milyaneerada hada ku sugan gudaha Ingiriiska iyo sida uu xaalkoodu hada yahay.

Waxaa lagu waramayaa in iyaguna ay qeyb ka yihiin geediga raran, tobaneeyo miliyaneero ah oo ganacsiyo halbowla ah ku lahaa gudaha Uk, maadaama dalku uu isku badalay meel xaaladiisu ay adagtahay, hadii ay kusii sugnaadaana ay qarka u saaranyihiin musalaf xoogan.

Sida ay shaacisay shabakada maalgashiga caalamiga ah ee UBS, ilaa 500,000 milyaneer ayaa lagu wadaa iney ka guuraan gudaha Ingiriiska marka la gaaro sanadka 2028, halka xoga kale oo soo baxayana ay tibaaxayaan in dabayaaqada bisha soo socota ee December ay gudaha Uk ka bixi doonaan ilaa 6,500 oo hantiilayaal ah.

Xaalka ganacsatada ayaa isagana noqday sida aan soo xusnay, waxaana muuqanaya sida dalkan oo mar dad badan u hanqal taagi jireen iney tagaan uu maanta isugu badal jaxiimo laga sii cararo, qofkii mar lugta kala baxana uusan qabin wax shaleyto ah, sidaba ay afkooda ku xaqiijinayaan muwaadiniinta dhaladka ah.

“Waxaan ka tagay Uk oo waxaan aaday Shiinaha wax qoomamo ahna kama qabo midaas, dhab ahaantii sadax sano kadib halkan waan ku kalsoonaan karaa oo waan kusii noolaan doonaa” waxaa isagana sidaas yiri muuqaal uu soo dhigay bartiisa YouTube ku yiri Harvey oo uu channelkiisa ku qoranyahay Harvey in China.

Hadaba su’aasha ugu badan ee ay dadku isweydiiyaan ayaa noqotay, maxay tahay asbaabaha dhaqaalah burburka u keenay wadankan, kadibna baday amni xumada kana dhigay mid kamid ah dalalka loogu cabsida badanyahay in wadooyinkooda lagula dhaxsocdo adigoo sita ashyaa’a qiima ahaan sareeya.

Taqaariirta soo baxaya mudooyinkan dambe ayaa gabi ahaantood waxay su’aashan jawaabteeda kusoo uruuriyen ilaa 3 shey oo sababay xaalada dhaqaale xumi ee uu hada lugaha kula jiro Ingiriiska.

Waa mida koowaadee kabixitaankii boqortooyada Ingiriiska ay ka baxday midowga yurub, waa mid kamid ah waxyaabaha lagday oo ciida afka u daray dhaqaalaha Ingiriiska, waxaana lagu waramayaa in xukuumada London ay weysay boqolkiiba 25% maalgashigii lagu sameyn jiray wadanka.

Arinka Labaad ayaa ah xanuunkii Covid19 oo isgana dhulka lagalay dhaqaalaha Ingiriiska, sababayna iney musalafaan shirkado badan, maadaama isku socdkii dunida oo idil uu hakad ku yimid, ganacsiyaduna ay kala istaageen shaqisyaad Online-ka wax ku dalbanaya mooyee.

Arinka ugu dambeeya ee Sadaxaad ee loo aaneynayo in dhaqaalaha Ingiriiska uu dhulka keenay waa dagaalka Ukrain, xukuumada Briten ayaana lacago malaayiin dollar ah ku bixisay hardanka ka dhaxsocda xukuumada Kyev iyo Mosocw.

Mar hadii dowladu ay wajeheyso waxaas oo caqabado ah waxay xal u aragtay in canshuur xad dhaaf ah ay kusoo rogto shacabka iyo ganacsada baaqiga ku ah wadanka, waxaana hada qaar kamid ah magaalooyinka dalkan ka socodo dibad baxyo ay horboodayaan beeraleyda Ingiriiska.

Gaba gabadii musiibadan ku timid Uk waxaa farxad u arka Imaaraatka oo uu loolan dhaaqale oo xoogan uu kala dhexeeyo wadankan, waxaana lagu waramayaa in Abu Dubai ay iyadu hada leexsaneyso dhamaan hantiilayaashii kasoo qalab qaatay dhanka Ingiriiska.

FAAFREEB PRO