Sida lagu waramay Ingiriiska ayaa Ukrain gaarsiiyey boqollaal gantaal oo nuuca ridada dheer ah ka hor inta uusan soo bixin hadalkii Kyev loogu ogaalada adeegsigooda.
Sida joornaalo badan ay nashriyeen xukuumada London ayaa qaab ay aamusnaan ku jirto lagana qariyey warbaahinta waxay mudooyinkii dambe Ukrain u gaarsiineysay gantaalada jara masaafooyinka fog fog, sida midka lagu magacaabo Storm Shadow.
Ingiriiska ayaa Ukrain u daabulay gantaaladii ugu badnaa intii u dhexeysay Oktoobar illaa horraantii bishan November.
Shalay oo uu Faransiiska ka dhawaajiyey hadalkii la xusuustay ee ahaa in kaalmo nuuc walba ah xitaa askar uu la garab taaganyhaya Ukrain, Britena oo hada lagu waramayo in gantaaladan ridada dheer ay Kyev siineysay in muddo ah iyo Mareykanka oo ugu dambeyn u ogolaaday Ukrain iney adeegsato gantaaladan, waa silsilada xiisadan ay hada kusoo gashay warbaahinta, waxaana lagu tilmaamay arimo in badan daaha gadaashiis lagu soo karkarinayey ka hor inta aysan warbaabinta soo gaarin.
FAAFREEB PRO