Guddoomiyaha guddiga militariga NATO oo baaq aanan la dhayelsan karin u diray ganacsatada reer Yurub.
Sida uu daabacay wargeyska Daily Express ee kasoo baxa dalka Ingiriiska, Admiral Rob Bauer oo ah guddoomiyaha guddiga militariga NATO ayaa u sheegay ganacsatada Yurub inay isku diyaariyaan xaalad dagaal, maadaama ay hadda ka fikirayaan sidii ay weeraro ka hortag ah ugu qaadi lahaayeen Ruushka.
“Ganacsiyadu waa inay u diyaar garoobaan xaalad dagaal oo ay joojiyaan ku tiirsanaanta badeecadaha ka yimaada dhanka Ruushka iyo Shiinaha” waa nuqul kamid ah hadalkii uu yiri Admiral Rob, waxa uu dhanka kale ganacsatada reer yurub ugu baaqay in wixii hadda ka dambeeya ay joojiyaan heshiisyada ay la galayaan Moscow iyo Beijing.
Hadalka masuulkan ayaa dabcan muujinaya marxalada ay mareyso xiisada reer yurub iyo Ruushka, waxayna midan kusoo aaday ayaa la dhihi xilli maalinimadii shalay ay kulan yeesheen Ukrain iyo saraakiil sare oo ka tirsan NATO, iyagoona ka kawada hadlay arimo la xiriira gantaalada cusub ee uu soo bandhigay Ruushka iyo talaabooyinka xiga ee ay Moscow qaadi karto waxa ay noqon karaan.
FAAFREEB PRO