Qof Soomaali Ah oo Ku Dhintay Roob Ka Da’ay Magaalada Jiddah ee Dalka Sucuudiga.

Nov 27, 2024

Khasaara dhimasho iyo dhaawac leh ayaa ka dhashay roobab daadad wata oo ku dhuftay intabadan gobolka dhulka Xarameynka ee Jaziiradda Carabta.

Roobabka oo saacado badan qaatay ayaa sababay in ay daadadka xareedda ay ku fatahaan boqolaal guri oo kuyaal magaalada Jiddah ee ku teedsan badda Cas.

Muuqaallo lagu faafiyay baraha bulshada ayaa muujinayay daadadka oo qaaday gaadiid ay dad la socdeen sidoo kalane qarqiyay xaafado iyo suuqyo ganacsi oo laga tukaamaysto.

Haweenay soomaali ah ayaa kamid noqotay dhowr qof oo ku dhintay daadadka ku dhuftay magaalada Jiddah,guddiga jaaliyadda soomaalida ee sacuudiga ayaa sheegtay in haweenaydan ay biyo daad ah qaadeen kadibna ay ku tuureen goob ay daadsanaayeen fiilooyinka korontada sidaasna ay ku dhimatay.

Saraakiisha gurmad degdegga ah ayay ku adkaatay in ay soo badbaadiyaan haweenaydan soomaalida sababa laxiriira goobta ay biyaha daadadku ku tuureen oo aheyd aag korontada lagu keydiyo oo halis badan.

Roobabkan daadadka wata ee maasheeyay inta badan magaalooyinka iyo degmooyinka dhulka Xarameykanka ayaa banaanka soo dhigay taakdarida xukuumadda daaquudka aala sacuud taasi oo hantidii ay umadda ka boobtay u adeegsanayso faafinta fisqiga iyo fasahaadka.

Bulshada ayaa dareemaysa waxka qabad la’aan iyadoona dayac uu ka muuqdo kaabayaasha muhiimka ah sida adeegyada waddooyinka.korontada iyo biyaha.