Faransiiska ayaa shaaciyey in taageero dhan walba oo bilaa shuruud ah ay la garabtaaganyihiin Ukrain.
Sida uu nashriyey wargeyska Politico wasiirka arrimaha dibadda Faransiiska Jean-Noel Barrot ayaa si cad u sheegay inay nooc kasta oo taageerro ah xitaa haddii loo baahdo ciidanka Faransiiska inay siin doonaan Ukraine.
“Xulafada galbeedku waa ineysan dajin khadadka cas si ay u taageeraan Ukrain”ayuu yiri wasiirka arrimaha dibadda Faransiiska, taasoo uu ula jeedo waa inaan joojinaa shuraadaha aan ku xireyno taageerada Kyev taa badalkeed waa inaa si bilaa shuruud ah u garab istaagnaa.
Tani waxay u muuqataa ayaa la leeyahay mid albaabo hor leh kusii furi doonta xukuumada Paris, waxaana sii siyaadaya suuragalnimada laga qabo in Moscow ay sii hormariso qorsheheeda ay ku dooneyso in gantaaladeeda ridada dheer ay ku gaarsiiso gudaha caasimada Farnasiiska ee Paris.
FAAFREEB PRO