Golaha Wasiirada Xamza Cabdi Barre oo Soo Saaray Go’aan Lagu Maxkamadaynayo Axmad Madoobe.

Nov 26, 2024

Kadib kulan ay xalay magaalada Muqdisho kuyeesheen golaha wasiirrada kooxda ridada ayay kasoo saareen go’aamo ka dhan ah Axmed Madoobe oo ah madaxda maamulka ashahaadda ladirirka Jubbaland.

Xamza Cabdi Barre oo ah R/wasaaraha kooxda ridada ayaa shir guddoominayay kulankii xalay oo dhammaantiis looga arrinsanayay qaabka ay kooxdani u wajahayso dabeyllaha siyaasadeed iyo kuwa amni ee uga furan Jubbada hoose iyo Gedo.

Golaha wasiirrada kooxda ridada waxay sheegeen in Axmed Madoobe ay ka xayuubiyeen dhammaan wixii Xasaanad ah ee uu lahaa waxayna ugu yeereen hoggaamiyihii hore ee maamulka Jubbaland.

Bayaanka kasoo baxay kooxda Ridada ayaa lagu amray wax ay ugu yeereen garqayaanka guud ee dowladda iyo maxkamadda sare in ay soo saaraan waaran ogolaanayo in lasoo xiro dagaal ooge Axmed Madoobe kadibna lamaxkamadeeyo.

Khilaafka udhaxeeya labada dhinac ayaa gaaraya meeshii ugu sarraysay waxaana lafilayaa in maalmaha iyo isbuucyada soo socda ay ku dagaallamaan deegaanno katirsan Jubbada hoose maadaama ay is hor fadhiyaan ciidamo labada garab kala taabacsan.

Axmed Madoobe oo shalay ka hadlayay madashii lagu doortay ayaa Xamza Cabdi Barre si kulul uweeraray wuxuuna ku sifeeyay abaal laawe aan waxba xeerinayn islamarkaana is hilmaamsiiyay in isagu uu yahay ninkii ka dhigay xildhibaan iyo R/wasaare.

Marka si dhab ah loo eego ismariwaaga udhaxeeya kooxda ridada iyo maamulka ashahaadda ladirirka Jubbaland ayaa ah mid ku salaysan xifaaltan siyaasadeed,mid dhaqaale,qabyaalad iyo masaalix isbarkan.

Xasan Gurguurte ayaa sanaddii 2019-kii mar uu Axmed Madoobe sidaan oo kale isku caleema saaray islamarkaana uu dagaal kula jiray dowladdii Farmaajo wuxuu ahaa mid si weyn utaageersanaa ninkan isagoo is doorashadiisa ku sifeyn jiray mid sax ah balse hadda oo ay is qabteen ayuu u aqoonsaday dambiile ay tahay in lasoo xiro oo la maxkamadeeyo waana laba aflaynta lagu yaqaaqaan siyaasiyiinta kooxda ridada.