Xiisado colaadeed oo udhaxeeya maleeshiyaadka murtadiinta ayaa lagasoo sheegayaa xaafado dhowr ah oo katirsan magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada hoose.
Maleeshiyaad daacad u ah Xamza Cabdi Barre R/wasaaraha kooxda ridada ayaa isku aruursaday halka loo yaqaan Kaboore ee magaalada Kismaayo halkaas oo ay difaacyo ka qoteen.
goob joogayaal ayaa sheegaya in kumanaan maleeshiyaad ah oo daacad u ah Axmed Madoobe ay isku gedaameen xarumaha muhiimka u ah maamulka iyadoona amar lagusiiyay in ay la dagaallamaan maleeshiyaadka kooxda Ridada ee xaafadaha Kismaayo isku abaabulayo.
Maxamed Oogle oo ah wasiirka arrimaha gudaha maamulka Axmed Madoobe ayaa ku dhawaaqay in ay xireen dhammaan garoomada diyaaradaha gobolka Gedo islamarkaana ay mas’uuliyiinta kooxda ridada ka mamnuuceen in ay tagaan Jubbada hoose iyo Gedo.
Ooge ayaa amar kusiiyay ciidamada maamulkiisa in ay tallaab adag ka qaadaan cid walba oo isku dayda in ay carqaladayso wax uu ugu yeeray doorashada jubbaland
Maamulka ashahaadda ladirirka wuxuu qiray in uu lahaa amarkii lagu celiyay diyaarad ay la socdeen mas’uuliyiin katirsan kooxda Ridada taasi oo shalay laga celiyay gegida diyaaradaha degmada Garbahaarey.
ciidamada Xabashida ee ku sugan degmooyinka Dooloow,Luuq,Baardheere iyo Garbahaareey ayaa ku wargeliyay diyaaradaha gobolka ka shaqeeya in aysan soo qaadi karin xubin katirsan kooxda ridada arrinkaas oo banaanka soo dhigaya in Xasan Gurguurte iyo Xamza Cabdi Barre aysan ka talin meel ka baxsan Muqdisho.
Khilaafka siyaasadeed ee Kismaayo ka jira ayaa meeshii ugu xumeed gaaray waxaana laga cabsi in ay dhacaan dagaallo hor leh iyadoona Axmed Madoobe uu qorshaynayo in uu berri markale iscaleema saaro.