30 ruux oo Tahriibeyaal Soomaali ah oo ku dhintay Jaziiradda Madagaskar.

Nov 24, 2024

Wararka ka imaanaya xeebaha badweynta Hindiya ayaa ku waramaya in doon ay saarnaayeen Tahriibeyaal u badan Soomaali ay ku quustay Jaziiradda Madagaskar, halka mid kalena la la’yahay meel ay jaan iyo cidhib dhigtay.

Ilo-wareedyo ayaa warbaahinta uxaqiijiyay in dad gaaraya 35 ruux ay geeriyoodeen, kuwaas oo badankoodu u dhintay gaajo iyo haraad.

Doonyahan oo ka shiraacday xeebta Mombassa ayay wararku tibaaxayaan in middiiba ay saarnaayeen ugu yaraan 35 qof.

Muddo ka badan 15 maalmood ayay doonyahani ku jireen Badda, kadib markii laga furtay motoorradii saarnaa, sida ay xaqiijiyeen qaar ka mida dadkii soo badbaaday.

Waa qeyb kamid ah dhibaatada ay wajahayan dhalinyarada Soomaalida, kuwaas oo boqolaalkamid ah sanadkasta ay ku dhamaadaan xeebaha Hindiya iyo Mandhatareeniyaanka, iyagoo raadinaya nolasha dhalaneedka ee loogu sheekeeyay in ay taallo Yurub iyo Ameerika.