Wargeyska Washington Post ayaa daabacay warbixin ka hadaleysa bulshada Mareykanka oo inta badan qabta aragti ah, in Biden uu is casilo mudadan hada uga dhiman xilka, uuna masuuliyada ku wareejiyo ku xigeenkiisa Kamala Harris.
Joornaalka oo soo xiganaya qaar kamid ah dadka dagan gobolada Indiana iyo Colofornia ayaa sheegaya, in Biden hada uu doonayo in uu sii rogo waxa uu sii rogi karo ka hor inta uusan baneyn xafiiska, taasina ay ka hoobtahay in Kamal Harris uu xillka ku wareejiyo inta ka harsan 20 bisha Koowaad ee sanadka soo aadan 2025.
Dimuquraadiyiin badan ayaa aaminsan in Harris ay mudadan u noqon karto mid ay ku fuliso qaar kamid ah balanqaadyadii ay sameysay intii ay ku jirtay ololeheedii doorasho ee guuldarada kusoo idlaaday.
Joe Biden ayaa maalmahan wado dhaqdhaqaaqyo xoogan oo siyaasadeed, Ukrain ayuu u fasaxay adeegsiga gantaalada ridada dheer, wuxuu sidoo kale kulamo laqaatay inta badan dhowladaha aysan siyaasad ahaan isqaadan Trump oo uu Shiinuhu ugu horeeyo, talaabooyinkan xasaasiga ah ayaana la saadaalinayaa in Ameerikaan badan ay u doorbidayaan in Biden uu iscasilo maalmaha yar ee uga dhiman in xafiiska uu ka tago.
FAAFREEB PRO