Golaha wasiirrada kooxda Ridada Soomaaliya oo fadhi wada-jir ah maanta ku yeeshay magaalada Muqdisho ayaa xil-ka-xayuubin ku sameeyey Murtad Odawaa Yuusuf Raage oo ahaa taliyaha ugu sarreeya maleeshiyaadka uu ku adeegto Xasan Sheekh Maxamuud.
Sida ay wararku tibaaxayaan isla markiiba waxaa la magacaabay taliye cusub kaas oo lagu magacaabo Ibraahim Maxamed Maxamuud, kaaso oo ilo-wareedyo aanu helnaغ ay sheegayaan in magacaabistiisa ay ka dambaysay dawladda daba-dhilifka ah ee Turkiga.
Xogtu waxay intaasi ku daraysaa, in Ibraahim oo u heystay qaybta taakulada maleeshiyaadka, uu Gurguurte doonayo in magacaabistiisa uu ku qanciyo dawladda Turkiga, oo la sheegay in muddooyinkan u dambeeyey ay xusul-duub ugu jirtay inay gacanta ku dhigto taliska ugu sarreeya.
Waxa kale oo la saadaalinayaa in ku-xigeennada taliska ilaa abaanduullaha maleeshiyaadka laga yaabo in iyagana mustaqbalka dhow isbeddel noocan oo kale ahi uu ku dhici doono, iyadoo aad isha loogu hayo xubnaha ugu firfircoon maleeshiyaadka Turkigu uu soo tababartay.
Sababta loo cayriyey Janaraal Odowaa lama sheegin, balse xogo hoose oo soo baxay ayaa carabaabay in muddooyinkii u dambeeyey uu khilaaf ka dhex jiray Taliyaha iyo Gurguurte, kaas oo salka ku haya jabka iyo fashilka xooggan ee ay kala kulmeen dagaalka ay kula jiraan Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab.
Dagaalladii ugu dambeeyay ee ka dhacay wilaayaadka Shabeellaha dhexe iyo Jubbada hoose ayaa khasaare xooggan dhabarka loogu saariyay maleeshiyaadka Ridada, iyadoo sidoo kale hub iyo saanad ciidan looga furtey.