Guddoonka Baarlamaanka Gurguurte oo ku Fashilmay Wax ka Badalka Dastuurka Ridada.

Jan 28, 2026

Kulan ay maanta Baarlamaanka ridada ku yeesheen magaalada Muqdisho ayaa kusoo dhammaaday buuq iyo gacan-ka hadal kadib markii ay isku gacan-qaadeen Xildhibaano ka tirsan ridada.

Shirkaan oo kooxda ridada ee Villa-Soomaaliya iyo guddoonka Baarlamaanka ridada ay doonayeen inay wax ka badalaan cutubyo ka tirsan Dastuurka ridada ayay arrintaasi ku fashilmeen kadib markii Xildhibaanada ridada ee Mucaaradka ay arrintaasi ka hor yimaadeen.

Muuqaallo laga soo qaaday howlka ay ku shirayeen Dawaaqiida ayaa waxaa ka muuqanayey buuqa iyo sawaxan hareeyey kulanka kaasoo uu xakameen waayey murtad Aadan Madoobe oo ahaa shir gudoonka kulankaasi.

Dhinaca kale xubnaha Baarlamaanka ee mucaaradka ayaa sheegay inay maanta hor istaageen qorshihii ay wateen Gurguurte iyo guddoonka Baarlamaanka ridada.

Arrintaan waxay kusoo aadaysa xilli lagu wado horaanta bisha soo socota ee February in ay kulan isugu yimaadaan mucaaradka iyo kooxda ridada ee Xasan Gurguurte kaasoo qodobada looga hadlayo ay kamid yihiin inuu Gurguurte ka laabto wax ka badalka uu ku sameeyey Dastuurka ridada, iyo in laga heshiiyo doorashada soo socota.

FAAFREEB PRO