Howlgalka Urur-gaaleedka QM ee Soomaaliya oo Wajahaya Dhaqaale La’aan Baahsan.

Jan 28, 2026

Urur-gaalleedka Qaramada Midoobay ayaa sheegay in hoosu-dhac ballaarani uu ku yimid lacagihii ay ku urursan jireen magaca Gargaarka Soomaaliya.

Afhayeenka urur-gaalleedka la baxay Qaramada Midoobay, ayaa shaaca ka qaaday in hoosu-dhac ballaarani uu ku yimid lacagihii ay ku sheegi jireen gargaarka bani’aadamnimo ee Soomaaliya ee sannadkan cusub ee 2026.

Waxa uu sheegay in lacagihii la codsaday sannadkii hore ay Qaramada Midoobay heshay wax ka yar 40%, isagoo tilmaamay in hoosu-dhacaasi ballaaran ay sabab u tahy gabaabsiga dhaqaale iyo khayraad ee ku yimid dalalkii bixin jiray lacagahaasi.

Gaalkani waxa kale oo intaasi uu ku daray in adeegyo badan oo aasaasi ah ay halis ugu jiraan inay yaraadaan, maaddaama la waayay ayuu yiri in ka badan kala bar miisaaniyaddii la filayay sannadkan cusub ee 2026.

Afhayeenku wuxuu xusay in sannadkii hore Qaramada Midoobay ay codsatay $1.4 bilyan, balse ay heleen oo keliya $397 milyan, taas oo u dhiganta 27% kaliya, arrintaas oo ku qasabtay hay’adaha gaallada inay yareeyaan ama joojiyaan adeegyadii ay ka fulin jireen Soomaaliya.

Dhaqaale la’aantan baahsan ee soo food-saartay urur-gaalleedka Qaramada Midoobay ayaa kusoo aadaysa xilli sidoo kale duullaanka saliibiga ah ee muddada badan ka socday Soomaaliya uu fashil iyo burbur qarka u saaran yahay, isla markaana uu wajahayo caqabado amni iyo kuwo dhaqaale oo aad xooggan.