Wiil uu Dhalay Trump oo Beeniyey War Kasoo Baxay Madaxweynaha Somaliland.

Jan 27, 2026

Eric Trump oo wiil uu dhalay madaxweynaha Maraykanka, ayaa beeniyay in kulan uu la qaatay C/Raxmaan-Cirro oo ah madaxwaynaha maamulka Ridada Somaliland.

Haweenay afhayeen u ah Eric Trump ayaa Reuters u sheegtay in Cirro uu ka qayb-galay casho soo dhaweyn ahayd, isla markaana uu sawir la galay wiilka Trump.

Waxa ay beenisay in Eric iyo Cirro ay yeesheen kulan gaar ah, iyada oo sheegtay in ay qolka ku sugnaayeen in ka badan 100 qof.

“Marna (Eric Trump) kulan lama uusan yeelan madaxweynaha Somaliland. Sidoo kale marna kama uusan hadlin arrin ku saabsan deked,” ayay tiri Kimberly Benza oo bayaanka soo saartay.

Hadalkan ayaa daba socda war uuMurtad Cirro horey ugu daabacay bartiisa xiriirka bulshada oo uu ku sheegay in kulan uu la yeeshay madaxweynaha Yahuudda uu qayb ka ahaa Eric Trump.

Maalmo ka hor ayay ahayd markii CabdiRaxmaan-Cirro uu ka qayb-galay madal looga hadlayay dhaqaaladaha adduunka oo ka qabsoontay magaalada Davos ee waddanka Switzerland.

Laba qof oo xogogaal ah ayaa Reuters u sheegay in Cirro uu hadallo ka jeediyey kulan casho ah, isla markaana uu soo bandhigay furshadaha maal-gashi ee Somaliland iyo muhimmadda dekedda Berbera.

Reuters waxay sheegtay in dadka ka qayb-galay kulankaasi uu ka mid ahaa Eric Trump, wiilka uu dhalay madaxweynaha Maraykanka iyo madaxweynaha Yahuudda Isaac Herzog.

Weriye ka tirsan Reuters ayaa arkay Cirro oo galay qolka shirarka ee ay ku sugnaayeen Eric Trump iyo Herzog, wuxuuna sidoo kale arkay sawirro muujinaya Eric oo gacan-qaadaya Cirro.

Cirro iyo Eric Trump ayaa sidoo kale yeeshay laba wada-hadal oo gaaban markii ay is gacan-qaadeen bilowgii iyo dhammaadkii munaasabadda, sida ay Reuters u sheegeen labada qof ee goobta joogay.

Intii cashadu ay socotay, Cirro ayaa istaagay isagoo haysta makarafoon, wuxuuna jeediyay khudbad kooban, sida ay sheegeen labada qof ee goobta joogay iyo muuqaal Reuters ay dib u eegis ku sameysay.