Maamulka Trump oo Laba-jibbaaray Cadaadiska uu ku Hayo Soomaalida Maraykanka.

Jan 25, 2026

Waxaa sii kordhaaya saamaynta taban ee hawlgallada ay wadaan ciidanka socdaalka ee magacooda loosoo gaabiy (ICE) ay ku yeesheen bulshada Soomaaliyeed ee ku nool gobolka Minnesota, gaar ahaan magaalada Minneapolis ee carriga Maraykanka.

Hawlgalladan, oo uu amray Madaxweynaha waddankaasi saliibiga lagu magacaabo Donald Trump, ayaa dhaliyay cabsi weyn iyo kacdoon bulsho oo looga soo horjeedo tallaabadan oo loo arko beegsi siyaasadeed iyo xadgudub ka dhan ah xuquuqda aadanaha.

In ka badan 100 qof oo is-xilqaamay ayaa lasoo weriyey inay bilaabeen hawl-gallo iskaa wax u qabso ah oo ay ku ilaalaynayaan xaafadaha, iyagoo qaybinaya hageyaal ku saabsan xuquuqda qofka iyo caawinta dadka waayeelka ah ee cabsidu soo wajahday.

Maamulka Trump ayaa sheegay in hawlgalladan ay kula dagaallamayaan dambiyada iyo wax is-dabamarinta lacagaha daryeelka bulshada, halka hoggaamiyeyaasha Soomaalidu ay u arkaan isku day lagu cabsi-gelinayo bulshadda Soomaaliyeed.

Sida ay sheegtay wakaaladda wararka Reuters, Ganacsiyada ku yaalla xaafadda Cedar-Riverside (Siidhar Rifasaydh) ee magaalada Minneapolis oo ka mida meelaha ay ugu badan yihiin Soomaalida Maraykanka, ayaa hoos u dhac weyn laga dareemay, maadaama dadku ay ka baqayaan inay guryahooda ka soo baxaan.

Ciidanka socdaalka ee ICE ayaa lagu eedeeyey in ay sameeyaan baaritaanno amar la’aan ah iyo beegsi midab ku salaysan, iyagoo dad badan oo dambi la’aan ah xabsiyada ku guray, isla markaana saacadihii lasoo dhaafay dilay ruuxii labaad muddo bil gudaheed ah, ficilladaas oo gadood xooggani uu ka dhashay.

Cadaadiskan sii laba-laxaadsanaya ee maamulka Washington uu horseedka ka yahay ayaa bilawday tan iyo markii saliibiga waddankaasi madaxweynaha ka ah ee Doland Trump uu iclaamiyey ol’ole ballaaran oo ka dhan ah bulshadda Soomaaliyeed ee ku dhaqan waddanka Maraykanka.