Wargeyska An-Nahaar oo ka mida warbaahinta ugu afka dheer waxa ay reer-galbeedku u yaqaanaan bariga dhexe, fadhigiisuna yahay wadanka Lubnaan, ayaa daabacay maqaal ka hadlaya saamaynta ka dhalan karta aqoonsiga Yahuudda ee maamulka Ridada Somaliland.
Isagoo diiradda saaraya amniga Badda Cas iyo xasilloonida Geeska Afrika, ayuu maqaalku xusay in tallaabadani ay kusoo aadday xilli weli uu jiro heshiiskii is-faham ee dhexmaray ee maamulka Somaliland uu Itoobiya ugu saxiixay qaadashada qaybo ka mida badda Soomaaliya.
Wargeyska An-Nahaar wuxuu sheegay in muranka ka dhex aloosan maamullada Addis Ababa iyo Muqdisho ee ku saabsan heshiiska Berbera, ay daboolka ka qaadday isla markaana isha caalamka ay kusoo jeedisay qiimaha istaraatiijiga ah ee xeebaha Somaliland.
Waxa uu sheegay in xiisaddu ay sii adkaatay markii hoggaamiyaha Xuutiyiinta Yemen uu ku dhawaaqay in joogitaanka Yahuudda ee Somaliland loo tixgelin doono bartilmaameed millateri, taasoo ballaarin karta goobta is-horimaadka kuna fidi karta Geeska Afrika.
Aqoonsiga Yahuuddu wuxuu sii murginayaa ayaa lagu yiri maqaalka, loolanka juquraafi-siyaasadeed ee ka socda xeebaha istiraatiijiga ah, iyadoo dhanka kalena ay jirto dareen xooggan oo laga qabo in dagaalyahannada Al-Shabaab ay si adag uga dhiidhiyaan tallaabadan.
Maqaalku wuxuu xusay in saameyntu ay toos u abbaarayso dhinaca dhaqaalaha isla markaana uu hoos u dhac weyni ku yimid maraakiibta Kanaalka Suweys, taas oo khasaare dhaqaale ku keenaysa dalal ay kow a tahay Masar iyo sidoo kale kororka kharashyada gaadiidka caalamiga ah.
Ugu dambayn, qormadu waxay tilmaamaysa in arrintani aysan ahayn uun tallaabo diblomaasiyadeed, balse ay tahay imtixaan adag oo ku aaddan nuglaanta Geeska Afrika iyo awoodda Badda Cas ay u leedahay inay u adkaysato qalalaase hor leh.